X
    Categories: Warar

Maamul Goboleedka Soomaaliya Ee Puntland Oo Xaqiijiyay Masuuliyiin Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Garoowe

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad sawirka (Facebook)


Garoowe(ANN)-Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa xaqiijiyay qarax khasaare sababay oo ka dhacay caweyskii caawa meel aan ka fogayn saldhiga dhexe ee Magaalada Garoowe.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in qaraxa uu sababay khasaare dhaawac baddan oo ay ku jiraan Masuuliyiin.


Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shebekadda Facebook, isagoo ku xusay qoraalka in qaraxaa oo ahaa mid is-miidaamin ah, sababay khasaaro dhaawac u baddan oo sida uu ku xusay qoraalka ay ku jiraan masuuliyiin.


Guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gujir), ayaa kamid ah dadka dhaawacmay, sidda uu qoraalka ku cadeeyay Cabdiraxmaan Dhabancad, wuxuuna masuulkaa iyo dadka kale ee dhaawacu kasoo gaadhay qaraxaa u rajeeyay Caafimaad.

“Allaha u sahlo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo dhamaan intii ku dhaawacantay qarax i-smiidaamin ah oo caawa ka dhacay Garoowe. Guddoomiyaha Gobolka Mudane Gujir waa dhaawac, waana la la tacaalayaa,” ayuu yidhi, Dhabancad.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post