Araweelo News Network

Ciidamada Puntland oo kusii jeeeda deegaanka Siiji

Ciidamada Puntland oo kusii jeeeda deegaanka Siiji


Garoowe(ANN)Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland oo xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa guulo ka sheegtay dagaal Todobaad ku dhexmarayay Ciidankooda iyo Ciidamo Al-shabaab ka tirsan Buuraleya dhinaca badweynata India usii jeeda ee Mudug, gaar ahaan deegamada Sijii iyo Gara-cad.
Kaddib markii todobaadkii hore lagu arkay deegaankaa Ciidamo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Doonyo ku yimi deegaanka Gara-cad oo fadhiisin u ahaan jirtay sanadii u danbeeyay kooxaha budhacd-badeeda Somalia, kuwaas oo qaarkood u gudbeen dhinaca deegaanka Sijii.
Hase yeeshee Ciidamada maamula Puntland, ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen in 71 dagaalyahan oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay ku dileen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka soconayay qeyba ka mid ah deegaankaa, isla markaana tiro sodoneeyo ah maxaabiis ahaan ku qabteen.

Maamul goboleedka Somalia ee Puntland, ayaa Saxaafada u soo bandhigay koox ay sheegeen inay yihiin maxaabiis lagu soo qabtay dagaaladaasi, kuwaas oo dhinaca magaalada Garowe, la geeyay maanta, waxaana kooxda la qabtay ka muuqday dhalinyaro aad u da’yar.

Janaraal Muxiyadiin Axmed Aw Muuse, oo ahaa sarkaalkii hogaaminayay dagaalka ka socday deegaankaa, ayaa sheegay in ay ka guulaysteen kooxdaa oo doonayay sida uu sheegay inay nabadgelyada Puntland qasaan, wuxuuna mar la weydiiyay tirada ay dileen ku sheegay dhawr iyo sodon, kuwaas oo sida uu xusay ay ciidankoodu xabaal wadareed ku rideeen.
sidoo kale, wuxuu sheegay in dhanka ciidankooda sadex askari ka dhinteen ilaa todoba kalena dhaawacyo soo gaadheen, isagoo xusay in aan la odhan karin wuu dhamaaday dagaalkii, balse ay jiraan malayshiyo firxad ah.

Madaxweynaha Muumul goboleedka Puntland Mr. Cabdiweli Gaas ayaa ku ammaanay ciidammada Puntland guulaha dagaallo ay muddo toddobaad ku dhow kula jireen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan oo doonyo ku tegay degaannada xeebaha maamulkaas badhtamihii bishan March.
Waxa kaloo uu ciidanka Badda Puntland ku tilmaamay geesiyaal guulo lagu farxo ka soo hooyey dagaalladii Al-shabaab. Hase ahaatee, waxa uu caddeeyey in aan weli dagaalku dhammaan, sidaa awgeed ciidammada looga baahan yahay inay feeginaan dheeraad ah la yimaaddaan.

Al-shabaab, ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalkaa iyo maxaabiista ay Puntland sheegatay in ay gacanta ku dhigeen, kuwaas oo noqonaya inta la ogyahay kuwii ugu badnaa tiro ahaan ee Al-shabaab lagaga qabto dagaal. haddii ciidamada maamulka Puntland la galeen dagaalka yihiin kuwo ka tirsan Al-shabaab.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347