X
    Categories: Warar

Maamul-goboleedka Puntland oo Masuuliyadda Dagaallada Gaalkacayo ku Eedeeyey Maamulka Muqdisho

Araweelo News Network

Boosaaso (ANN) Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Mr. Cabdi/weli Maxamed Cali (Gaas), ayaa masuuliyadda dagaallada khasaaraha badan dhaliyey ee ciidammiisa iyo kuwa maamulka Galmudug ku dhexmaraya magaalada Gaalkacayo u xambaariyey dawladda federaalka Soomaaliya oo maamulladoodu hoos tagaan.
Mr. Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalo-xeebeedda Boosaaso shalay, kadib markii uu ka soo laabtay socdaallo uu ku tegay dalalka Itoobiya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu ku dooday in aanay maamullada Puntland iyo Galmudug wadin dagaallada ka socda Gaalkacyo ee badhtamaha waddanka Soomaaliya, balse laga soo abaabulayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
“Waxa yaab leh cadow mar walba duullaan kugu ah oo ka soo horjeeda sidii wax loo dhisi lahaa oo dawlad lala wadaagi lahaa… Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dagaallada ka socda magaalada Gaalkacayo oo ah qaar aan indhaha laga qarsin karin,” ayuu yidhi Madaxaweynaha maamul-goboleedka Puntland.
Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas waxa uu shacabka maamulkiisa ugu baaqay inay si wadajir ah u xoojiyaan ammaanka Puntland, isla markaana difaacdaan deegaannadooda, kana shaqeeyana midnimada Soomaaliya.
“Puntland waxay doonaysaa derisnimo-wanaag, midnimo iyo in maamul-goboleed walba dhankiisa uga shaqeeyo horumarka dalka iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa hore ugu eedeeyey dawladda taagta daran ee Soomaaliya inay gacan ku siinayso maamul-goboleedka Galmudug dagaallada ka socda Gaalkacyo.
Ra’iisal-wasaaraha maamulka Muqdisho Mr. Cumar Cabdirashiid ayaa bilaabay dadaallo lagu joojinayo colaadaha ka taagan Gaalkacyo toddobaadkii hore, balse dedaalladaasi waxay u muuqdaan qaar ku guuldarraystay in wax lagaga qabto dagaallada khasaaraha baahsan dhaliyey ee maamullada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaraya magaaladaas oo midkoodba dhinac maamulo.
Geesta kale, dagaallo qadhaadh oo dad badan ku dhinteen ayaa ciidammada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaraya gudaha magaalada Gaalkacyo dhowrkii maalmood u dambeeyey, iyadoo dagaalkii ugu culuslaa labada dhinac iskaga horyimaaddeen shalay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post