X

Maamul Goboleedka Jubbaland Muxuu Ka Yidhi Shirka Farmaajo Ku Baaqay?

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland ee Sismaayo Image File Araweelo News Nteowrk.

Araweelo News Network.

Maamul Goboleedka Jubbaland Muxuu Ka Yidhi Shirka Farmaajo Ku Baaqay?

Kismaayo(ANN)- Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shalay ayay ahayd markii Farmaajo iclaamiyay shirkaa oo sida uu sheegay 15-ka bishan lagu qabanyo Garoowe., kaas oo alagaga hadli doono arrimaha doorashada dalka ee murranku ka taagan yahay iyo mudada xukuumadda ee dhammaatay.

Hase yeeshee Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Farmaajo, balse maamulka Jubbaland, ayaa ku taliyay in shirkaa lagu qabto Muqdisho oo ay kasoo qeyb galaan saamilayda siyaasada dalka oo dhan.

Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo, Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Farmaajo ayaa shalay iclaamiyay in shir looga arinsanayo arimaha doorashada 15-ka bishan lagu qabto Garoowe, balse maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa codsaday in shirkaasi ka dhaco Muqdisho.

Dowlada Federaalka ayaan weli aqbalin soo jeedinta labada maamul ee ah in shirka lagu qabto Muqdisho iyo in ay ka qaybgalaan dhammaan saamileyda siyaasada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post