X
    Categories: Warar

Maalqabeenka Caanka Ah Ee Xawaaladda Casriga Ah Ee #World Remit Oo $1,000,000, Ugu Deeqay Somaliland Agabka Ka Hor-tagga #COVID-19

Mulkiilaha iyo aasaasaha xawaaladda casriga ah ee World Remit, Dr. Ismail Ahmed.

London(ANN)-Maalqabeenka Caanka ah Ee Shirkadda Xawaaladda Casriga ah ee #World Remit oo ah shirkad ka shaqaysa xawilaadda lacgata ee qaabka Online-ka, isla markaana uu leeyahay Dr. Ismail Ahmed oo ah dhaqaalayahan u dhashay Somaliland, ayaa deeq agab caafimaad oo ka hor-tagga caabuqa Coronavirus (COVID-19), ugu deeqay Somaliland.

Dr. Ismail Ahmed, ayaa sheegay inuu Somaliland ugu deeqay agab caafimaad oo si weyn loogu baahanyahay xilligan uu dunida ku baahay caabuqa Coronavirus, taas oo lagaga hog-teggayo Fayriska COVID-19 , oo Somaliland inta la ogyahay kiisaska lagu arkay ay gaadheen shan kiis, walaw aannu jirin baadhitaan lagu sameeyay bulshada oo lagu xaqiijinayo inay kiisaska caabuqu intaa ka badan yihiin.

Deeqda agabka Caafimaad ee COVID19, ee Somaliland uu ku deeqay Mulkiilaha Xawaaladda casriga ah ee  #World Remit, Dr. Ismail Ahmed, ayaa qiimeheeda lagu qiyaasay $1,000,000, (hal milyan oo dollar), waxaana arrintaa xaqiijiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlyay arrimo kala duwan, isagoo uga mahad celiyay ganacsahaa iyo cid walba oo Somaliland ka caawisay agabka baahida weyn ee loo qabo ee ka hor-tagga caabuqa COVID-19, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada kale inay ku daydaan oo ay ku dhiiradaan sidii ay dadkooda iyo dalkooda isu garab taagi lahaayeen xilligan adag.

Mulkiilaha #World Remit , Dr. Ismail Ahmed, ayaa sidoo kale sheegay inuu dalka keenayo qalabka lagaga gaashaanto caabuqa sida Gafuur-xidhka iyo agab kale, isagoo balan qaaday inuu ku iibinayo qiimaha laga soo siiyay si ay dadku u wada awooddaan inay xidhtaan Gafuur-xidhka oo aannu ka doonayn wax macaash ah, sida uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Biixi.

World Remit waa shirkad bixisa adeeg xawaaladeed oo internetka ah oo qaab Online u xawisha lagacaha, waana shirkad caalami ah, taas oo uu aasaasay sannadkii 2010-kii, Dr. Ismail Ahmed oo ah dhaqaalayahan u dhashay Somaliland oo degan dalka Britain.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post