X

Maalqabeen U Dhashay Dalka Masar Xabdiga  Ku Dhintray

Araweelo News Network.

 

“Wuxuu Ahaa Dil Qorshaysan” ENHR.

Cairo(ANN) Maalqabeen u dhashay dalka Masar, ayaa lagu dilay xabsiga, isagoo rumaan ahaan u xidhnaa tan iyo July 2021, kaddib markii ay qabteen ciidanka nabadsugida ee Masar.

 

Dhimashada ganacsade Khaalid  Al-Cadawi ayaa “loo arkaa dil ula kac ah” maadaama loo geystay jidh-dil, loona diiday in la daweeyo, ayaa lagu yidhi, bayaan ay soo saartay koxoda Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Masar.( Egyptian Network for Human Rights).

 

Khaalid, ayaa haa 51 jir, wuxuuna lahaa Warshadda Dharka ee Pancho Readymade , halkaas oo laga soo qabtay bishii July, waxaana la geeyay xarunta Nabadsugidda Qaranka oo lagu waraystay, lagu garaacay, lagu jidh-dilay, iyadoo loo adeegsaday koronto,  isla markaana lagu aflagaadeeyay.

Shebekadda Xuquuqda Aadamaha ee Masar oo loo soo gaabiyo (ENHR),  waxay bayaan ay kaga hadashay dhacdadaa ku sheegtay in ay ogaatay inuu ganacsadahaa Jidh-dilay Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Qaranka oo magaciisa lagu sheegay Abdiraxmaan, kaas oo loo yaqaan Axmed, iyo xoghayaha booliska Axmed Xanafi.

Ganacsade  Khaalid caafimaadkiisa ayaa sii xumaaday sababtoo ah jidh-dilkaa, kaddib markii dhegaha laga furaystay codsiyadiisii ahaa kaalmo caafimaad ee la diiday, wallow aakhirkii loo wareejiyay Cusbitaal, sidaana uu ku geeriyooday.

Muddadii uu xidhnaa waxaa la horkeenay Xeer Ilaalinta Gobolka Sare inkasta oo hungaaco iyo shuban joogto ah, uu lahaa markaa, waxaana ay ku xukumeen in lagu sii hayo halkaa 15 maalmood oo dheeraad ah, iyadoo aannu wax daryeel caafimaad ah helin.

Go’aanka ah in lagu sii hayo saldhigga booliiska Mandaqada Omrania ee Giza wuxuu ahaa “xukun dil ah oo aan sharci ahayn” sidaa waxa yidhi kooxda xuaquqda Aadamaha ee Masar (ENHR) waxayna intaa raaciyeen in ay ugu wacan tahay cidhiidhiga  ba’an, hawo -xumada, iyo qiiqa sigaarka ee culus oo xabsigaasi caan ku yahay.

Warbxinta, ayaa lagu sheegay in marxuum Khaalid dhintay 2 August 2021, iyadoo lagu aasay magaaladda uu ku dhashay ee Casiisiya 3 August 2021.  Shahaadada dhimashadiisa waxaa ku qornaa inuu dhintay kaddib markii uu hoos u dhacay cadaadiskii dhiiggiisu, kelidiisuna ay shaqayn wayday, inkasta oo ay jidhkiisa ay ka muuqdeen calaamado cad oo Jidh-dil ah, sida ay warbixintu xustay.

“Shabakaddu waxay xaqiijinaysaa in waxa isaga ku dhacay loo arko dil ula kac ah,  iyadoo muwaadin si aan rasmi ahayn loogu xidhay meelo aan rasmi ahayn, si qasab ah looga  qariyay Ehelkisia, loona geystay Jidh-dil, isla markaana laga hor istaagay xaqa uu u leeyahay inuu helo xorriyaddiisa iyo xaqa uu u leeyahay daawaynta iyo dawada ku habboon, taas oo sababtay geeridiisa. ”ayaa lagu yidhi,  Bayaanka ENHR.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post