X
    Categories: Warar

Maalintii Afraad Ee Ololaha Isu Soo Baxyada KULMIYE Ee Magaalooyinka Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Taageerayaasha KULMIYE! ayaa Isugu soo baxay saaka waabeerigii magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan, iyadoo sawaxanka Iyo dhawaaqa sameecadaha lagu rakibay gaadiidka magaalooyinka qaar aan laga seexan xalay.

 

Ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee kaltanka oo galay maalintii Afraad ee KULMIYE., waxa Magaalada Berbera ee Xeebta ah kala qaybgalay Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo isu soo baxaa ku muujiyay cududdooda.

Sidoo kale Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxa subaxnimadii hore hadheeyay sawaxanka Iyo dhawaaqyada taageerayaasha oo wata calamo Iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin labada murrashax ee Muuse Biixi Cabdi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Salylici, kuwaas isaga soo baxay xaafada iyo daafaha magaalada, Isla markaana Isugu tegey fagaaraha weyn ee Beerta Xiriyadda, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Iyo Masuuliyiin kale kala hadleen fagaarahaa taageerayaasha KULMIYE oo xamaasadi ka muuqato.

Magaalada Burco, ayaa sidoo kale taageerayaasha KULMIYE oo si weyn ugu diyaar garoobay isu soo maalintii Afaraad  isugu tageen Fagaaraha weyn ee Burco, kuwaas oo si xamaasad ah Isugu soo baxay saaka waaberigii, Isla markaana hadheeyay shaaracyada Wadooyinka waaweyn ee Burco, iyagoo sita astaamaha calanka KULMIYE , istiikaro waaweyn, boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhegyo, Isla markaana ku lesbian dirayska laga sameeyay Calanka KULMIYE., waxaana khudbado kala duwan u jeediyay madaxda sare ee Xisbiga iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Sidoo kale Magaalada Xarunta ah ee Boorama, waxa tagaaerayaasha KU!MIYE oo muujiyay cududooda isu soo baxyo ku sameeyeen, iyadoo ay halkaa khudbado ka jeediyeen madaxda Xisbiga Iyo saraakiisha Xisbiga.

Magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceergaabo, ayaa Sidoo kale laga sameeyay isu soo baxyo ay taageerayaasha KULMIYE ku muujinayaan cuddudooda, iyadoo deegaamada kale ee gobolada Sanaaag Iyo Sool laga muujiyay taageerada Xisbiga KULMIYE’, kuwaas oo si xamaasadaysan isugu soo baxay.

la soco Wararka isu soo baxa KULMIYE Iyo weedhihii masuuliyiinta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post