Araweelo News Network

qabo

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Qorshaynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa sheegay in heshiisyada shirkadaha waaweyn ee adduunka lala galo iyo saldhigyo la siiyo dalalka caalamku ay tahay aqoonsi dadban.
Wasiir Qabo oo saxaafadda la hadlay, waxa uu saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka doonayo magaalada Berbera ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh h qaranka Somaliland.
“Waa in la soo dhaweeyo wax kasta oo muhiim u ah qaranka Somaliland. Waxa aynu nahay qaran aan la ictiraafin oo socod-barad ah, muddo jiray, laakiin haddii ay shirkadaha waaweyn ee caalamka amma waddamada waaweyn ee caalamka ee la ictiraafsan yahay haddii ay xarumo innagu yeeshaan amma saldhigyo iyo maalgashiyo oo lacago intaas le’eg oo kale gashadaan waxa aan qabaa inay tahay ictiraafkii oo qaab dadban innoogu yimmi,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka dalbaday labada gole ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) inay isugu yimmaaddaan fadhi aan caadi ahayn oo lagaga doodo codsiga dawladda Imaaraadka Carabta ee la xidhiidha in saldhig millatari laga siiyo magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Guddoomiyeyaasha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada – Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo warfidiyeennadu goonni-goonni u weydiiyeen ujeeddada kulanka wadajirka ah ee Madaxweynuhu isugu yeedhay, ayaa ka gaabsaday inay si buuxda faahfaahin uga bixiyaan arrintaas, balse waxa ay qireen inuu jiro qoraalka codsiga ah ee uga yimmi Madaxweyne Siilaanyo.
“Way jirtaa codsi ka yimmi Madaxweynaha oo uu isugu yeedhay labada gole, laakiin wax qoran oo ajande ah waxa ku cad in arrimo nabadgelyo lagaga hadlayo, balse saldhigna kuma qorna, wax kalena kuma qorna, markaa marka aannu ajandaha ogaanno ayaannu ka hadli karaynaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isna sheegay inay jirto warqad uga timmi Madaxweyne Siilaanyo, isagoo afka ka xidhay inuu sharraxaad ka bixiyo nuxurka ay xambaarsan tahay.
Hase yeeshee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Jamhuuriya helay xalay, ayaa caddeeyey in Madaxweyne Siilaanyo qoraal codsi ah u diray xubnaha shirguddoonka baarlamaanka, isagoo ka dalbaday in mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada isugu yimmaaddaan fadhi wadajir ah oo aan caadi ahayn maalinta Axadda ee toddobaadka dambe oo ku beegan 12 February 2017 haddii Ilaahay yidhaa.
Wefti Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayey oo safar ku tegay dalka Imaaraadka Carabta bishii September ee sannadkii 2016, ayaa la kulmay masuuliyiinta dalkaas, kuwaasoo ka codsaday in saldhig millatari laga siiyo magaalada Berbera, dalabkaas oo Madaxweynuhuna ka aqbalay, isla markaana codsigooda u gudbin doono baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada) oo sharci ahaan awood u leh oggolaanshaha amma diidmada arrintaas.
Sida ku cad qodobka 38aad, farqaddiisa 6aad ee Distoorka Somaliland, goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada waxa ay fadhiyo wadajir ah yeelan karaan dhegaysiga warbixinta Madaxweynuhu ku furayo fadhiyada labada gole iyo marka laga doodayo ansixinta heshiisyo dabeecado heer gobol amma caalami ah, kuwaas oo uu ka mid noqonayo heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadku doonayo ee Madaxweyne Siilaanyo hadda isugu yeedhay si ay go’aan uga gaadhaan ansixintiisa amma diidmadiisa.
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, ayaa hore diidmo uga muujiyey in dawladda Imaaraadka Carabta loo oggolaado saldhig millatari oo laga siiyo magaalada Berbera, arrintaas oo ay ku doodeen inay xumayn karto xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana amniga dalka halis ku ah, maadaama Imaaraadku doonayo inuu saldhiggaas ka weeraro kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama gudaha waddanka Yemen.
Hase ahaatee, masuuliyiinta xukuumadda iyo aqoonyahanno kala duwan oo madaxbannaan, ayaa taageeray codsiga Imaaraadka ee ah in la siiyo saldhig millatari, kuwaasoo tibaaxay in arrintaasi tahay mid faa’iidooyin dhaqaale iyo diblomaasiyadeed u leh qaranka Somaliland, sidaa darteedna ay muhiim tahay in baarlamaanku oggolaadaan ansixinta heshiiskaas oo noqon doona mid kaaba maalgashiga shirkadda DP World ku samaynayso dekedda Berbera.
Ma cadda fadhiga wadajirka ah ee labada gole yeelanayaan toddobaadka dambe inuu ku kooban yahay dooda codsiga saldhigga millatari ee Imaaraadka iyo in Madaxweynuhu ka jeedin doono khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah.
Geesta kale, xubnaha Golaha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, ayaa looga yeedhay xarunta Madaxtooyada habeenkii Isniinta, iyadoo la diyaariyey kulan loo qabtay dhammaanba mudanayaasha labada gole, kaasoo lagaga hadlay sidii loo fahamsiin lahaa muhiimadda saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta.