X
    Categories: Warar

‘Ma Shaqayn Karto Dawladdu Haddii aan la Samayn Jewi Lagu Maalgashan Karo Dalka’Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay isku shaandhayntii Xukuumadda

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay maalgashi la’aanta dalkeenna ka jirta darteed in aan la shaqaalaysiin karin muwaadiniinta, gaar ahaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ka baxaya jaamacadaha.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu tilmaamay in horumar Somaliland ka gaadhay dhanka waxbarashada uu muuqdo, balse shaqo abuurkii laga heli lahaa maalgashi dalku helo ay hortaagan tahay caqabad ah in aan la samayn jawi ay ku soo dhiirradaan maalgashadayaashu.
“Dadkeenna waxbarashada ka soo baxayaa waa Ilaahay mahadii, shalay waxaan arkayey inta arday ee u fadhiistay dugsiyada sare, waxaad arkaysaa in aynu waddadii horumarka tacliinta ku tallaabsannay, maadaama aan waddanka la gashan maalgashi oo aynaan samayn jawi qofka Soomaaliga ah iyo ka caalamku toona ku maalgashadaan, dawladdu dadka ma shaqaalayn karto,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo la hadlay telefishanka Somali Star shalay.
Guddoomiyaha UCID uu hambalyo u diray ardayda ka qallinjabisay Jaamacadda Camuud dufcadeeda 15 oo loo xafladeeyey shalay, waxase uu nasiib-darro ku tilmaamay in aan lagu casuumin, waxaannu yidhi, “Waxa nasiib-darro ah intii dawladdan KULMIYE timi annaga nalaguma casuumo ee dawladda ayuun baa la casuumaa, laakiin dawladdii Rayaale dadka oo dhan way casuumi jirtay, waanu iska wada barbar hadli jirnay oo xisbi waliba aragtidiisa ayuu sheegi jiray.”
Dhinaca kale, Eng. Faysal waxa uu ka hadlay isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumaddiisa maalmo ka hor, taas oo uu ku tilmaamay mid dhanka wanaagsan loo qaaday, isla markaana uu fure u ahaa safar uu isagu hore ugu tagay Gobolka Sool oo uu u bixiyey safarka nabadda iyo midaynta Somaliland.
“Waatay ballanteenu ahayd haddaynu doonayno in Somaliland mid noqoto waa inay beelaha reer Sheekh Isaxaaq (beesha dhexe) ay kuraasida ka kacaan oo saami wanaagsan oo dadka oo dhan raaligeliya oo ummadda oo dhan sima la yeesho, markaa taas ayey tabataagnayd oo isku shaandhayntani waxay ahayd in la tuso calaamad fiican iyo tallaabo hor leh in loo diyaar yahay in kuraasta la isku dheeli-tiro oo beelihii hore aan uga qaybgalin la siiyo saamigooda. Anigu markasta waxaan idhaahdaa Somaliland waxa loo kala badsaday kuraasida sidii loo kala hor iimaansaday, markaa tani waa kicistii hore laakiin waxa loo baahan yahay mid labaad oo si fiican oo caddaalad ah la isugu dheeli-tiro, waxaynu haysanno haddaynu caddaalad ku qaybsanno dadkoo dhami raali buu ku noqon doonaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post