X
    Categories: Warar

Ma Dhabaa In La Dilay Brigadier General Asaminew Tisge Oo Hoggaaminayay Inqilaabkii Dhicisoobay Ee Gobolka Amxaarada Ee Ethiopia

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in la dilay  Brigadier General Asaminew Tsige oo ahaa maskaxdii ka danbaysay inqilaabkii fashilmay ee lagu dilay Madaxweynihii Kililka Amxaarada iyo saraakiil kale oo ay ku jireenTaliyihii Guud ee Ciidamada Brigadier General Mekonnen, General Gezae Abera, oo lagu dilay Addis Ababa Axadii Todobaadkan.

Brig-Gen Asaminew Tsige, waxay  Wararka Dowladda qaarkood sheegayaan in lagu dilay iska hor’imaad ka dhacay tuulada Zanzana oo u dhaxaysa magaalooyinka Gonder iyo Bahirdar. Warar kale oo laga soo xigtay saraakiisha Booliska, ayaa sheegaya in Brigadier General Asaminew Tsige la diley markii uu isku dayay inuu ka baxsado meel ka baxsan caasimadda Amhara, sida ay sheegeen booliska gobolka Amxaarada.

 Ma cadda haddii ciidamada dawladda ay awoodaan  inay dileen Brigadier General Asaminew Tsige, ama ay xidhaan, mana jiran warar madaxbanaan oo cadaynaya in la dilay Brigadier General Asaminew Tsige oo ka mid ahaa saraakiisha Ethiopia kuwa ugu magaca weyn oo si weyn looga tixgeliyo gobolka Amxaarada.

Brigadier General Asaminew Tsige, ayaa loo arkaa in haddii ay jirto dhimashadiisu ay suurtagal tahay inay sii kordhiso shakiga ku hareeraysan Amxaarada xagjirnimada wata iyo ujeedada ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ee ku waajahan gobolka Amhara ee Ethiopia.

.

R’iisul Wasaaraha Abiy Axmed,  ayaa ku boorriyay Itoobiyaanka inay midoobaan, waxaana  ciidammo  dheeraada la geeyay Bahirdar oo ah caasimada Gobolka Amxaarada oo ay xukuumaddu sheegtay inay gebi ahaanba amaanka la wareegtay, sidoo kale ciidamo, ayaa  la geeyay Addis Ababa iyo goobo muhiim ah, iyadoo Isgaadhsiinta iyo Internetka laga jaray dalka meelo baddan.

Dhinaca kale waxaa dhaawac ugeeriyooday xeer ilaaliyihii guud ee ismaamulka Amhara kaas oo kamid ahaa mas’uuliyiintii lagu toogtay xarunta maamulka Amxaarada ee Bahirdar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Ethiopia, ayaa Telefeshinka Afka dowladda ku hadla  ka sheegay in uu dhintay General  Megbaro Kebede oo ahaa dacwad oogaha guud ee gobolka Amhara.

Brig-Gen Asaminew Tsige iyo General Tefera Mamo,  ayaa la xidhay 2009-kii markii lagu eedeeyay  qorshe ay ku fulin lahaayeen inqilaab xukuumaddii Meles Zenawi, waxaana xabsiga laga soo daayay markii uu yimi xukunka ra’iisul-wasaare Abiy Axmed Cali.

Genral Asaminew Tisge waxaa Ra’iisul wasaare Abiy ka dhigay  madaxa nabadgelyada  iyo amniga gobolka Amhara. Tan iyo markii la sii daayay Genral Asaminew Tisge, wuxuu halis ku ahaa qowmiyada  Tigrai oo uu cadaawad xun u hayay, Wuxuu sidoo kale tababar u sameeyey kumanaan askari oo ku sugan gobolka Amhara oo si gaar ah loo diyaariyay ciidan ahaan .

Toddobaadkii hore ayuu hadalkiisa dibbeda usoo baxay  markii 5000 oo ciidamo gaar ah oo Amhara ah ay ka qalin jabiyeen xeryaha tababarka ee halkaa,  isla markaana waxay arrintaasu sababtay inay cabsi mar kale soo waajahdo maamulka Tigrai iyo dadkeeda.

Ma jiro war cad oo ka danbeeya isku-dayga la isku dayey ee ka dhacay gobolka Amhara iyo dilka laba ka mid ah ciidamada Tigreega, laakiin waxaa la xidhiidhiyay inay Genral Asaminew Tisge iyo kooxaha xagjirnimada ay ka dambeeyaan. Dilka labada General  ee Tigreega  ah, waxaana la leeyahay General Seare Mekonnen iyo General Gezae Abera waa qayb ka mid ah qorshaha lagu wiiqayo awoodda milatari ee Tigra si loo soo galo. Waxaa jiray ciidamo yar yar oo u dhexeeya ciidammada Amhara iyo ciidammada Tigrai dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ee xudduudaha, laakiin ciidamada Amhara ayaa gabi ahaanba la jabiyay aagga Tselemti oo ay isku horfadhiyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post