Araweelo News Network

cruzIowa(ANN)Musharaxa madaxtinimada Maraykanka Ted Cruz, oo ka mid ah musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ugu tartamaya doorashada Madaxtinimada Maraykanka, ayaa ku guulaystay codadkii ugu horreeyay ee isreebreebka musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee lagu qabtay gobalka Iowa oo ahmiyad weyn u leh doorashada cida usoo baxaysa xsibiga.

Mr. Ted Cruz, ayaa helay 28% codadkii la dhiibtay ee musharaxiinta Jamhuuriga. Musharaxa sida weyn magaciisu ugu fiday daafaha dunida oo ah ganacsade caan Mr. Donald Trump, ayaa galay kaalinta labaad ee Xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna helay codadka ergada oo 24%.
inkasta oo musharaxa Ted Cruz ku horeeyo tartanka IOWA, oo sadaal u ah doorashada, balse waxa caqabad ku ah doodo ku taagan deegaanka uu ku dhashay oo ah gobol ka tirsan Canada, taas oo muran iyo doodo ka abuurtay hanka mustaqbalkiisa siyaasadeed ee hoggaaminta kursiga ugu sareeya dalka Maraykanka, waxayna arrintaasi fursad siin kartaa Musharaxa Mr. Donald Trump, balse qareenada dhinaca sharciga ee Mr. Ted, ayaa sheegaya in aanu ku waayi karin doorashada doodaha noocaas ah.

Dhinaca kale, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin codadkii tartanka musharixiinta Xisbiga kale ee Dimuqraadiga, ayaa in ka badan kala badh la tiryay codadka ay sheegayaan natiijooyinka soo baxayaa in haweenayda musharaxa ah ee Hilary Clinton, ay u dhowdahay inay wareega hore ee doorashada guulaysato, iyadoo ay aad isagu dhawaadeen ninka kula loolamaya hogaanka xisbiga dumuqraadiga ee Senator Bernie Sanders.

Ergada Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa isugu soo aruuray in ka badan kun goobood oo ka tirsan gobalkaasi, waxaana la filayaa in tartanka labada Xisbi noqdo musharxixiintii ugu adkaa.