X
    Categories: Warar

London: Wiil Soomaali Ah Oo Xabsi 15 Sano Ah Lagu Xukumay

Araweelo News Network

London (ANN)Wiil Soomaali ah oo Dhalinyaro ah, ayaa lagu xukumay xabsi 15 sano oo xadhig ah kadib markii lagu helay inuu toorey la dhacay haweenay ka tagtay dalka Ethiopia oo ku sugnayd magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Weerarka ayaa dhacay bishii September 16 sanadkii 2013, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Torcastle, waxaana wiilkaa oo magaciisu yahay Mahad Aadan iyo gabadha tooreyda lala dhacay la sheegay inuu xiriirdhow ka dhaxeeyay.
Wiilka oo Maxkamaddi ku riday xukunkaa, ayaa waxa sidoo kale lagu eedeeyay inuu markii uu falkaa geystay u cararay dalka Ethiopia sanadkii 2013, balse Mahad Aadan oo ku laabtay dalka Britain dhamaadkii 2015, ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Heathrow, waxaana lasoo taagay maxkamada Conventry Crown ee dalka Ingiriiska.

Mahad Aadan oo 33 sano jir ah, waxay Maxkamaddu ku riday xukunkaa markii uu qirtay eedaha loo haystay oo ahaa inuu dhaawacay haweeneyda oo ku sugneyd dalka Ingiriiska, taas oo sida la oggaaday uu ka dhexeeyay xidhiidh, balse dagaal dhexmaray isaga iyo gabdha ka hor intii aanu dhaawac weyn gaadhsiin ee aanu Toorayda la dhicin.

โ€œMarkii uu tooreyda uu igu bilaabay gacmaheyga ayaan wajiga saaray waxaana hoos u eegayay dhiiga kasoo daadanaya wajigayga,waxaana ka fekeray in haddii aan gaadhiga aanu ku jirnay aan ka bixi lahaa inuu i dili lahaaโ€ayay tidhi gabadha uu Mahad dhaawaca tooreyda u geystay oo ka hdlaysa maxkamadda markii ay dacwadu socotay.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post