X
    Categories: Warar

London: Maxadweyne Siilaanyo Muxuu Ka Yidhi Xaaladda Dàlka?

London(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Waftigii u hoggaaminaayay ayaa xalay Kulan balaadhan Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska kula qaatay Qurbajooga ku dhaqan dalka UK.

 

Munaasibadaa oo ka dhacday bariga Magaalada London, ayaa dib u dhac ku yimi xiligii horre loogu qorsheeyay. Kadib waraaqo lagu daadiyay halkaa oo Cabdi geliyay amaanka , bàlse waxa markii danbe amaanka munaasibada damaanad qaaday ciidamada amaanka ee London, waxaana munaasibada ka soo qayb galay badi Jaaliyada kala degan guud ahaan Gobolada dalka Uk, kuwaas oo isugu jiray Aqoonyahano, odayaal, dhalinyaro, caruur iyo haweenba.Madaxweynaha waxaa kulankaas ku weheliyay Wasiirada Madaxtooyadda, Caafimaadka, Marwada Koobaad ee Qaranka, Safiirada dalka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa là filayay inuu qudbad uu kaga hadlayo xaalada dhabta ah ee dàlka iyo Loolanka cirka ku shareeran ee khilaafka Xisbiga KULMIYE ee Musharixiinta U dhexeeya Kusoo qaado, bàlse dhamaad arrimahaa iyo kuwo kale oo laga filayay, ayaanu soo hadal qaadin, wuxuuna mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka sheegay  in xukuumaddiisu ku ddaalayso sidii dorashooyin uga dhici  lahaayeen deegaamada bariga Somalilànd ee aanay hore uga qabsoomin, isagoo qurba joogana usoo jeediyay in aanay ku kala qabsamin doorashooyinka ee ay midaysnadaan

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa caan ku noqotay inay munaasibadaha  sidan oo kale oo wax baddan looga dhegtaagayo madaxweynàha ay noqaan kuwo dadka lagu mashquuliyo heeso iyo muyiisig aan wax màcno ah ku fadhiyin, bàlse lagu suuxiyo shucuurta iyo dareenka muwaadininta si loogu qariyo xaqiiqda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post