X
    Categories: Warar

London: Cabsi Soo Waajahday Garoonka Labaad Ee Ugu Wayn Britain Oo Sababtay In La Joojiyo Duulimaadyada Gatwick

Gatwick

London(ANN)-Cabsi soo waajahday Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Gatwick ee Magaalada Londan oo ah dhabaha labaad ee ugu mashquulka bada cariga Ingiriiska, ayaa hakad la geliyay howlihiisii duulimaadka, kaddib marki ay soo waajahday xaalad cabsiyeed.

Garoonka ayaa laga joojiyay diyaaradaha kadib markii la arkay dhowr diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drone-ka oo dul heehaabaya, waxayna arrintaasi sababtay in dib loo dhigo duulimaadka kumannaan qof oo meelo kala duwan uga safri lahaa, kuwaas oo qaarkood fasaxa ciida masiixiga dartiis u bixi lahaa.

Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Booliska Iyo Hay’addaha Amaanka oo la geeyay halkaa, kuwaas oo ku mashquulsan sidii ay u oggaan lahaayeen waxa yihiin diyaaradaha Cabsida abuuray.

Maareeyaha garoonka Gatwick, Chris Woodroofe. ayaa sheegay in muddo 24 saacadood oo kale ay hakad ku jiri doonaan howlaha garoonka, waxayna arrintaasi jaah wareer ku riday in ka badan 150 kun oo rakaab ah oo tan iyo Arbacadi shalay ilaa Khamiista maanta la filayay in ay ka dhoofaan garoonka.

Sharciga Britain, ayaa qaba inaanan diyaaradaha daroonka loo yaqaano aanan loo soo dhaweyn karin garoomada ay ka duulaan diyaaradaha madaniga masaafo dhan 1 km. Qofki ku xadguba sharcigaa, ayaa wajahayaa xabsi dhan shan sano.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post