X
    Categories: Warar

London: Cabsi Argagixiso oo Ruxday Badhtamaha Caasimadda Britain iyo Diyaarad Degdeg loo Fadhiisiiyey

Araweelo News Network

London(ANN)Cabsi argagixiso, ayaa sababtay in heegan buuxa laga halo badhtamaha caasimadda Ingiriiska ee London, gaar ahaan jidadka u dhow halka ay ku taal safaaradda Yuhuudda, kadib markii la arkay baabuur laga shakiyey oo meel cidla’ ah yaal shalay.
Sida lagu baahiyey wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay, ciidammada sida gaarka ah u tababar, booliska iyo cutubyada qaabilsan ka-hortagga qaraxyada, ayaa la hawlgeliyey, iyadoo la xidhay goobaha ganacsiga, dadkana lagu wargeliyey in aanay u dhawaan goobaha u dhow meesha baabuurka laga shakiyey lagu arkay.
Waxa la hawlgeliyey qalabka meelaha fog ka qarxiya walxaha laga shakiyo (A controlled explosion), iyadoo dad goob-joogayaal ah sheegeen inay maqleen qarax xooggan, kaasoo loo malaynayo inuu ka dhashay qalabka lagu bartilmaameedsaday baabuurka shakiga abuuray, waxayna masuuliyiinta hay’adaha ammaanku tilmaameen in aanay jirin cid loo qabtay falka dhaliyey dareenka cabsida abuuray, isla markaana aanay jirin cid wax dhibaato ah gaadhay.
Hase yeeshee, waxa la sameeyey hawlgal ballaadhan oo goobaha tareenada dhulka hoostiisa mara lagaga daad gureeyey boqolaal qof, iyadoo la arkay dad badan oo u ordayaha goobo ay ka helaan ammaan, markii lagu wargeliyey in baabuur laga shakiyey la dhigay goob u dhaw safaaradda Israa’iil ee caasimadda London.
Dhinaca kale, diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la yidhaah EgyptAir, ayaa si degdeg ah u fadhiisatay madaar ku yaal waddanka Uzbekistan, kadib markii la helay farriin lagu sheegay in miino saaran tahay diyaaradda.
Diyaaradda oo ay la socdeen rakaab tiradoodu dhan tahay 118 qof iyo 17 ruux oo shaqaalaha diyaaradda ah, ayaa ka duushay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxayna ku socotay magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, balse, cabsi ka dhalatay shaki, ayaa keentay in si degdeg ah loo fadhiisiiyo, iyadoo rakaabka iyo dadka shaqaalaha ahba laga daad-gureeyey, isla markaana baadhis guud lagu sameeyey qaybaha kala duwan ee diyaaradda.
Masuuliyiin reer Masar ah oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in aan gudaha diyaaradda laga helin wax miino ah iyo walxo kaloo qarxaba, balse shaki darteed loo fadhiisiiyey diyaaradda rakaabka siday ee u kala safraysay caasimaddaha dalalka Masar iyo Shiinaha.
Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ka soo duushay caasimadda Faransiiska ee Paris, kuna socotay magaalada Qaahira, ayaa ku burburtay badweynta Mediterraneanka bishii la soo dhaafay ee May, halkaasoo ay ku dhinteen 66 qof, iyadoo aan ilaa hadda la ogaan sababta keentay burburka diyaaradaas, waxayna masuuliyiinta Masar waqtigaas sheegeen in tuhunka weerar argagisixo oo diyaaradaas soo riday ka badan inay cillad farsamo u burburtay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post