X
    Categories: Warar

London: Bangiga NatWest Oo Xayiraad Saaray Akoonkii Uu Bangigaa Ku Lahaa Telefishanka Caalamiga Ah Ee Ruushka RT

Araweelo News Network
London(ANN) Bangiga NatWest ee laga leeyahay dalka Uk, ayaa xayiraad saaray, isla markaana gebi ahaanba xanibay Akown xisaabeedkii uu ku lahaa Bangiga Telefishanka laga leeyahay Rashia ee RT.

Sida ay sheegtay Haweenayda madaxada ka ah RT, ee magaceedu yahay Margarita Simonyan oo warka xayiraada ah ku baahisay barta ay ku leedahay Tweeter ” Waxay xidheen Akownkaygii (Account) bangiga Britain oo dhan. Mana aha Go’aanka mid dib looguma noqon karo’. Ayay raacisay.

Telefishanka RT, ayaa sheegay in Bangigu aanu wax faah-faahin ah ka bixin go’aankiisa ku saabsan xidhitaanka Akownka RT.

Hase yeeshee waxay sheegtay shirkadda Royal Bank of Scotland Group, oo uu NatWest ka mid yahay inay diiday inay adeeg u samayso RT.

Talefishinka Russai Today ayaa sheegay in NatWest ay u soo qoray xafiiskooda London, isla markaana ku wargeliyay in aan wax dib u eegis ah loo samaynayn xayiraada Akownka ay ku lahaayeen , sidaa awgeed ay go’aan ku gaadheen in adeega Bangiga aan mar danbe loo samayn RT.

Bangiga ayaa sheegay in “go’aankiisa uu yahay kii ugu danbeeyay “diyaarna uma aha inuu wadaxaajood la galo”ayaa lagu fariin loo diray maamulka RT.

Telefishanka RT, oo ay leedahay dowladda Ruushka, waxaa horay u ciqaabay hay’adda maamusha warbaahinta UK ee Ofcom kadib war aan sax ahayn oo ay sheegtay.

Waxaa ka mid ahaa eedeymo in BBC-du ay mala awaashay war ku saabsanaa Suuriya oo sheegayay weerar kiimiko loo adeegsaday.

The BBC –da ayaa ku guulaysatay dacwadii TV-ga RT, kadib markii ay cabasho u gudbisay Hay’adda maamusha warbaahinta UK ee loo soo gaabiyo Ofcom, iyadoo sheegtay in eedeymaha ay sheegeen barnaamijka Truthseeker aanay run ahayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post