X
    Categories: Warar

Lix Soomaalida Maraykanka Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Qorshaynayeen Ka Mid Noqoshada Jihaad-doonka Ee Daacish

Minnisotta (ANN)Sarakiisha Mareykanka ee Gobolka Minnisotta ee dalkan Mareykanka ayaa ku eedeeyay lix Nin oo Soomaalida ku dhaqan gobolkaa inay isku deyayeen sidii ay ugu safri lahaayeen dalka Syria, isla markaana ay ugu biiraan ururka ISIS ee Daacish oo ka dagaalama Ciraaq iyo Syria.

Sida lagu sheegay eedeyntaa oo la soo bandhigay Isniin 20 April, ah, waxa Lixdaa Nin loo heystaa inay maleegayeen iskuna dayeen inay taageero maadi ah siiyaan urur argagixiso oo shisheeye.

War ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesotta ayaa lagu sheegay raggan dacwadda lagu soo oogay magacyadooda, Mohamed Farah, Adnan Farah, Abdirahman Daud, Guled Omar, Hanad Musse iyo Zacharia Abdurahman, waxaana warbixinta lagu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen, nin lagau magacaabo Abdi Nur, oo ah nin u tashkiiliya argagixisada dhalinyarada reer galbeedka.

Sidoo kale waxa lagu eedeeyay Lixdaa Nin sida lagu sheegay warbixinta inay doonayeen inay u safraan Syria, iyagoo ka duulaya garoomada San Diego iyo New York City, laakiin hey’addaha amaanka ay ka hor joogsadeen inay u safraan halkaa.

Xeer ilaaliyaha Gobolka, Andrew M. Luger, ayaa sheegay in xitaa iyadoo la hor joogsaday raggan inay safraan ay haddana isku dayeen inay sameeyaan siyaabo kale oo ay dalka kaga dhoofaan, balse aanay u suurta gelin. Sida uu sheegay Xeer Ilaaliye Mr.Andrew.

Gobolka Minnesotta ee cariga Maraykanka, ayaa ah kuwa ay ku noolyihiin Somalida ugu baddan Mareykanka, waxaana marar baddan ka tegey halkaa dhalinyaro jihaad doon ah, kuwaas oo tan iyo 2008, ku qulqulayay dhinaca Al-shabaab iyo kooxaha jihaadiyiinta ah, balse sanadii u danbeeyay markii ay dalalka Syria iyo Ciraaq ka samaysmeen kooxda Daacish ISIS oo dawlad Islaam ah kaga dhawaaqay halkaa, waxa u haajiray boqolaal dhalinyaro ku noolaa dalalka Maraynka, Yurub iyo wadamada Khaliijka, kuwaas oo ay Soomaalida dhalinyaro Wiilal iyo Hablo safka hore kaga jhiraan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post