X
    Categories: Warar

Liiska Wasiiradda Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iska Casilay

Muuqaalka Xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, photo File Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Tiradii ugu badnayd golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen, kuwaas oo ay hormood u yihiin Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah musharaxiinta doonaya inay u tartamaan xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale waxa xubnaha is casilay oo ka kooban 13 masuul oo Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiir Dawlayaal, ku jira Wasiirkii Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Afhayeenkii Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.
Qaar ka kid ah xubnaha is casilay oo u baddan kuwii ku xeeraa Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku sifeeyay sababta is casilaadooda inay ka dhalatay markii uu Madaxweyne Siilaanyo meesha ka saaray dhex-dhexaadnimadii musharixiinta ku tartamaya Xisbiga KULMIYE.

Liiska Xubnaha is casilay, ayaa ah sidan:-

Wasiirka Wasaarada Arimaha Debada Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bushada Dr Cabdi Aw Daahir.

Wasiirka Wasaarada hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wasiir-Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil.

Wasiir-ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq.

Wasiir-ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Cabdi Waaxid Cabdiraxmaan Cabdi qaadir.
Wasiir -ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir/
Wasiir-ku xigeenka Wasaarada Deegaanka Axmed Maxamed Nuur.

Wasiir-ku xigeenka Wasaarada dib-u-deginta Nimco Xuseen Qawdhan.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

Agaasimaha Wasaarada Wershaddaha Mawliid Weris Yoonis.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post