X

Liiska Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Cusub Ee La Ansixiyay

Fadhiga Gollaha Wakiillada Somaliland, Salaasa 7 january, 2025, Image Araweelo News.

Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Aqlabiyad Sare Ku Ansixiyay Dufcadii Labaad Ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigii  saaka oo Salaasa ah la horgeeyay dufcadii labaad ee gollaha wasiirada xukuumada cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa guddoominayay Fadhiga oo ay kasoo xaadireen 64 xildhibaan waxaana la horkeenay 29 masuul oo isugu jira Wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dawlayaal, waxayna dhammaantood gollaha ka heleen codad isku mid ah oo aqlabiyad weyn, kaddib markii mdi mid loo akhriyay xirfadahooda waxbarasho iyo meelaha ay kasoo shaqeeyeen, iyadoo ay hore ula kulmeen guddiyada gollaha wakiillada Somaliland.

Ansixinta qaybtii labaad ee Wasiirada Xukuumadda oo ka kooban 29 Wasiir, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dawlayaal, ayaa kala ahaa sidan:-

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Yoonis Axmed Yoonis Muxummad, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macadanta Eng Axmed Jaamac Barre Rooble, Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Abubakar C/raxmaan Good, Wasiirka W/ Horumarinta Beeraha, Maxamuud Cige Yuusuf, Wasiirka W/ Duulista, Hawadda iyo Horumarinta Madaaradda, Fu’aad Axmed Nuux Nuur,  Wasiirka W/Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda dib-u dejitna Arrimaha Bani-aadamnimada, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac Wasiirka W/Xannaanada iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar Shucayb Max’ed Cabsiiye.

Laxidhiidha: Dafcadii U Horaysay Gollaha Wasiirrada Ee Xukuumadda Cusub Iyo Sidii Loo Ansixiyay Tirada Codadka Kala Saraynta

Wasiiru-dawlaha W.Waxbarashadda, Barbaarinta iyo Sayniska Muxumed Yuusuf Ibraahim Faacuu, Wasiiru-dawlaha W/ Amniga Guddaha, C/rashiid Maxamed Axmed (Magaalo), Wasiiru-dawalaha W/Maaliyadda iyo Horumaritna Dhaqaallaha, Ismaaciil Mawliid C/laahi Xasan,Wasiir-ku-xigeenka
W/Horumarinta Beeraha, Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax, Wasiir ku-xigeenka W/Dawlahadaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Axmed Cumar X. C/laahi (Xamarji), Wasiir ku-xigeenka  W/Warfaafinta, Dhaqaanka iyo Wacyigelinta, Muuse Askar Guuleed Jaamac,  Wasiir ku-
xigeenka W/ horumarinta Caafimaadka, Marwo. Samsam Max’ed Saalax Yacniile, Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka W/Diinta & Awqaafta, Jamaal Jaamac Xaamuud, Wasiir ku-xigeenka W/Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga,  Cali Axmed Cabdi Cantar, Wasiir Ku-xigeenka
W/Dhalinyarada &Ciyaaraha, Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), Wasiir ku-
Xigeenka W/Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Wasiir Ku-  xigeenka W/Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed, Wasiir ku-xigeenka W/Dib-
u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada C/raxmaan Shide Bile Dharaar, Wasiir ku-xigeenka W/ Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada Yuusuf Kayse C/laahi Aadan, Wasiir ku xigeenka W/ Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin, Wasiir ku-xigeenka W/Maalgashiga & Wershadaha, Eng Maxamuud Cilmi Xuseen (Huuno) .Wasiir ku-xigeen W/Ganacisga iyo Dalxiiska, Jawhar Siciid Warsame, Wasiir Ku-xigeenka
W/Isgaadhssiinta iyo Tiknoolajiyadda,  Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka W/Xildhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Maxamed Muuse Bucul Bookh, Wasiir Ku-xigeenka W/ Gaadiidka & Horumaritna Jidadka, Maxamed Cabdimaalik Axmed.

Liiska Xubnaha La Ansixiyay iyo Codadka ay ka Heleen Gollaha Wakiillada Somaliland halka hoose ka akhri.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post