X
    Categories: Warar

Liiska Gollaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyay

Shirweynaha Afraad ee KUMIYE, Image file Araweelo news network.

Araweelo News Network

 

Hargeysa)ANN)- Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee rasmiga ah ee lagu ansixiyey shirweynihii 4aad ee qabsoomay 4 ilaa 6 October 2020, ayaa la shaaciyey maanta oo taariikhdu tahay 10-ka October.
Liiskan oo ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo shirguddoonkii shirweynaha 4aad ee xisbigu, waxa tiradiisu tahay 239 ka mid ah ergooyinkii ka imanayey gobollada iyo 54 xildhibaan, waxase jira xildhibaano aanay magacyadoodu halkan ku jirin oo lagu soo dari doono, kuwaas oo mar hore si toos ah uga mid ahaa golaha dhexe, iyadoo lagu dari doono Maayarrada degmooyinka dalka ee KULMIYE,
Sidoo kale, Guddoomiyayaasha xisbiga ee Gobollada iyo labada xubnood ee ergada gobollada ka maqan oo lambarradoodu kala yihiin 49 iyo 50 ee liiska golaha dhexe ee la faafiyey.
Liiskan golaha dhexe oo uu saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen magayacyadoodu waa kuwan hoos ku daabacan.
FIIRO GAAR AH: lambarka 175-aad ee uu ku qoran yahay Idiris Aadan Raage, waxa uu sax ku yahay Xildhibaan Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle, halka lambarka 80-aad ee uu ku qoran yahay Eng. Saleebaan Cabdullahi Maxamed uu sax ku yahay Eng. Xuseen Sh. Aadan Cabdi.
Halkan Ka Daallaco Liiska la shaaciyay.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post