Araweelo News Network
Washington(ANN)-Labadii Madaxweyne ee u danbeeyay Maraykanka Barack Obama iyo George W Bush, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka Maraykanka, arrintaas oo loo arko dhaliil maldahan oo ka dhan ah hogaaminta madaxweyne Donald Trump.
Obama ayaa ku baaqay in dadka Maraykanku ay diidan siyaasadda “kala qaybinta” iyo “cabsida” Bush-na wuxuu soo bandhigay eedaymo ah in nolosha dadka lagu hayo “xoogsheegasho iyo yasid”
Labada Madaxweyne, ayaa meelo kala duwan ka jeediyay dhawaaqyadaa ay ku dhaleecaynayaan siyaasada cusub ee hoggaanka Maraykanka, balse midkoodna ma soo hadal qaadin magaca madaxweyne Trump.
Dhinaca kale Madaxweyne Trump oo aad u naqdiyi jirtay madaxweynihii uu xukunka kala wareegay ayaan wali arrintan ka hadlin.
Madaxweyneyaashii hore ayaa caadiyan ka xishooyin jiray in ay meel fagaare ah wax kaga sheegaan madaxda bedesha, waxaana jirtay Obama markii uu xafiiska ka tegayay inuu sheegay in ixtiraamkaas sii wadi doona inta uu Trump xilka hayo sidii uu sameeyay George W Bush oo isaga ka sii horreeyay
Laakiin aamusnaanta ayuu joojiyay tan iyo markii ay soo baxday dadaallada uu Trump ku doonayo in uu ku nasakho oo ku badalo daryeelka caafimaadka ee Obamacare iyo waliba mamnuucitaankii “Muslimiinta” ee muranka badan dhaliyay iyo iskaga bixiddii heshiiskii cimilada ee Paris.