X
    Categories: Warar

Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Diidmada Dooda Mucaaraadka

Labada xubood Cabdirashiid Riya-raac iyo Marwo Kaltuun ka mid ah xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la horkeenay golaha wakiiladda 12 Nov, 2019. Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Labada xubnood ee Komishanka doorashooyinka cusub ee sida weyn Xisbiga WADDANi, uga qayliyay oo ka mid ahaa Lixda xubnood ee saaka golaha wakiiladda Somaliland ansixiyeen, ayaa ka dareen celiyay sida aqlabiyada ah ee ay mudanayaashu ugu codeeyeen iyo xisbiga WADDANi, oo murankii ka dhashay awgeed usoo xuli waayeen xubintii laga sugayay ee komishanka.


Labada xubnood oo kala ah Cabdirashiid Riya-raac oo xisbiga WADDANi, ku eedyay in aanu sharcigu ogolayn, iyagoo ku eedaynayay inuu ahaa sarkaal ka tirsan Xisbiga KULMIYE, walaw xisbiga KULMIYE beeniyay oo sheegay in aanu ka mid ahayn golaha dhexe ee Xisbiga, halka Marwo Kaltuun Sh, Cismaan oo horre uga mid ahayd xubnihii xilligoodu dhammaaday ay xisbiga WADDANi, ku doodayeen in aan loo baahnayn in lasoo celiyo oo ay raacdo xubnaha la bedelayp, balse waxa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo labadan xubnood soo magcaabay ku tilmaamay dooda xisbiga mucaaradka ee WADDANi, mid aan sharci iyo daliil midna haysan inay Haweenaydaasu mar kale ka mid noqoto xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

“Aniga sharciga ayaa lay mariyay tii Illaahayna waa lay marinaya, qof keliyana kuma xidhna wax ee Todoba xubnood ayaa shaqadu ka dhaxaysaa, labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE-ba waan la joogay weliba WADDANI, ayaan Afar sannadood la joogay, narkaa inay taa eegaan ayay ahayd qolada mucaaradku,” sidaa waxa yidhi, Cabdirashiid Riya-raac oo la weydiiyay dareenkiisa iyo sida mucaaradku uga biyo diideen in Xisbiga KULMIYR u xulo Komishanka doorashooyinka Qaranka, isla markaana ahaa laba xubnood oo muranka ugu badani ka taagnaa.


Cabdirashiid Riya-raac, oo Telefishanka SAHHAN, weydiiyay dareenkiisa markii golaha wakiiladu ansixiyeen saaka isaga iyo shan xubnood oo kale, wuxuu golaha wakiilada uga mahadceliyay ansixinta ay u ansixiyen inuu ka mid noqdo Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.


Sidoo kale, Kaltuun Sh, Cismaan oo ka kd ahayd komishankii horre ee doorashooyinka. isla markaana ka mid ahayd labada xubnood ee muranka iyo diidmada ay ka muujiyeen mucaaradku gaar ahaan xisbiga WADDANI, ayaa dhankeeda ka dareen celisay saaka markii golaha wakiiladu u ansixiyeen inay mar labaad ka mid noqoto guddida doorashooyinka Qaranka.


Marwo Kaltuun, waxay sheegtay in aanay jirin cid si gaar ah u eedaynaysay, isla markaana ay u shaqaynay qarakeeda oo shaqada, “Waan hanbalyaynayaa gola wakiilada, shaqadana horreba waan u hayay oo waa shaqo qaran oo culus, waxaana rajaynayaa sidii hore iyo si ka culus inaan u shaqeeyo, mana jirto cid aniga aan denbi u geystay, ama WADDANi, ha ahaado, ama xisbi kale, horrena waa lay dhaariyay imankana waa lay dhaarinayaa, markaa waan isku kalsoonahay inaan xilkaa sidiisa u guto/” ayay tidhi, Marwo Kaltuun oo Telefishanka SAHHAN, weydiiyay dareenkeeda, maadaama ay ka mid ahayd laba xubood oo xisbiga WADDANi, si gaar ah u eedaynayay inay ka mid noqdaan xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post