X
    Categories: Warar

Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Shaaciyay In Ay Qabaan COVID-19

Hargeysa(ANN)-Laba xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirarada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shaaciyay in ay isku arkeen xannuunka Cuddurka COVID-19, kuwaas oo baraha Bulshada kula wadaagay natiijada baadhitaano ay sameeyeen, kadib markii ay isku arkeen astaamaha xannuunka.

Bidix : Maxamed Axmed Cawed oo ah Wasiirka Maalgeshiga Somaliland iyo Midig Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhiinta Dr Cabdiweli Suufi, Araweelo News Network 2 Jun 2020.

Maxamed Axmed Cawed oo ah Wasiirka Maalgeshiga Somaliland, ayaa bartiisa Twitter-ka  xalay ku shaaciyay in baadhitaan lagu sameeyay natiijada kasoo baxday loogu xaqiijiyay inuu qabo xanuunka Coronavirus, balse wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Wasiir Cawed,  ayaa maalmo ka hor wax ka yar laba todobaad ka qaybagalay xidhitaankii iyo abaalmarintii program kii tartanka adeega bulshada ee Ardayda jaamacadaha ee Ramadan  ee ay qabteen Premierbank.

Sidoo kale,Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhiinta Dr Cabdiweli Suufi, ayaa dhankiisa warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyay in baadhitaan uu sameeyay natiijada kasoo baxday ay noqotay in uu qabo xannuunka COVID-19, walaw uu xusay in xaaladdiisa caafimaad ay fiicantahay.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixinaha uu maalib walba la wadaago warbaahinta ee xannuunka Coronavirus mar uu maanta shaacinayay tirada cusub ee xannuunka laga helay, ayaa la weydiiyay in ay jiraan xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo laga helay xannuunka, balse Agaasimaha ayaa sheegay in aannay xaq u lahayn in sheegaan hebelo laga helay xannuunka oo aannay ku jiirin anshaxa, waxa keliya ay shaaciyaan ay tahay tirada xannuunku marayo. Sidaa awgeed aannu la socon arrintaa.

Labada xubnood ee golaha Wasiirada Xukuumadda, ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee iskood u shaaciyay natiijada baadhitaan ay isku sameeyeen, balse Wasaaraddaha ay masuulka ka ahaayeen ayaan lagu arkin weli baadhitaan iyo daba-gal ay wasaaradda Caafimaadku samaysay oo lagu xaqiijinayo in ay shaqaalaha iyo dadkii ay la kulmeen ee Bulshada kale qabaan xannuunka iyo in kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post