X
    Categories: Warar

“Laba maalmood ayuu Burburka ku hoos jiray Qaraxii Zoobe Ee Muqdisho”

Araweelo News Network

Ciise oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii soobe

Muqdisho(ANN)-Lix maalmood kaddib qarixii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14 Oct 2017, ayaa dad dhawac ah Iyo kuwo dhintay ay kasoo saarayaan kooxaha gurmadku goobihii burburka.

Waxaa dadkaa ka mid ah, Ciise Xuseen oo laba maalmood ku jiray burburka hoostiisa, waxaana isagoo dhaawac ah la geeyay cusbitaal kadib markii ay heleen kooxaha gurmadka.

“Gaadhi ayaan saarnaa, qaraxu markuu dhacay wuu iga tuuray gaadhiga, waxaana ku dhex dhacay holac wadada geesteeda ah, waan guurguurtay,” ayuu yidhi Ciise oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu Ciise sheegay in uu gaadhiga ka soo raacay dhanka lambar Afar. “Markaan Soobe soo gaadhnay ayuu qaraxu dhacay, waan wareeray, meel kastoo aan eegay dab ayaa iga xigay,” ayuu yidhi.

“Waan iska guurguurtay, waxaan galay dhisme sii dumaaya. Alle ayaa mahad leh, dhaawac ayaa isoo gaadhay,” ayuu yidhi Cise oo 24 sano jir ah oo ka mid ah dadka muruqmaalka ah.

 

Dhagaxii ayaa dusha igaga  dhacay, jug baa i jabtay oo gurigaa igu kor dumay, waxaan dhexgalay laba dhisme dhexdood ” ayuu yidhi Ciisa Xuseen oo weli yaalla cisbitaal. Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii kasoo gaadhay gacmaha iyo lugaha.

 

Markii la helay Ciise, waxaa la arkay asigoo madaxiisu  ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir doorsanaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay, oo ula carartay cisbitaalka.

Cise Xuseen wuxuu ahaa muruqmaal ka shaqeysta dhisidda guryaha iyo qaadidda dhagxaanta! waxaana Isla maalintaa waxaa la helay maydad kale oo dheeraad ah oo dhismayaasha ay ku dumeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Sida dowladda ay sheegtay, ugu yaraan 281 qof ayaa ku dhimatay, balse laamaha caafimaadka waxay sheegayaan in 300 oo qof ka badan ay ku dhinteen qaraxaa oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa cisbitaallada buuxa dadkii dhaawacmay oo kor u dhaafaya 400 oo qof, waxaana qaar  ka mid ah loo qaaday dibadda si loo soo daaweeyo.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post