X
    Categories: Warar

Laba Ka Mid Ah Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Laga Qaaday Xilalkii Ay Hayeen Kaddibna Laga Saaray Xisbiga

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)laba ka mid ah hoggaanka xisbiga Kulmiye, ayaa laga qaaday xilalkii ay xisbiga ka hayeen, island markaana waxay waayeen xubnimadii, iyadoo gebi ahaanba laga saaray xisbiga.
Qoraal kasoo baxay xisbiga Kulmiye oo ay soo saareen guddida fulinta ee xisbiga, ayaa u dhignaa sidan:-

Ujeedo: Goaanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo shir isugu yimi xalay, April 9, 2016, waxa ay dood iyo falanqayn ka galeen eedayn sharci jabin ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga oo hore loogu gudbiyey.

Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad, qodobka 9-aad, faqradiisa 5-aad, qodobka 10-aad, faqradiisa 3-aad iyo 4-aad, iyo qodobka 25-aad, faqradiisa t.

Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE, qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad, waxay goaan ku gaadheen:

In mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii 2-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.

In mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii 3-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexnaa Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post