X
    Categories: Warar

Laba Haween Ah Oo Ku Dhaawacmay Hawlgal Boolisku ka Sameeyey Caasimadda Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Taliska Guud ee ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in laba haween ah ku dhaawacmeen hawlgal askar boolis ah ku kala furdaamiyeen qoysas dagaal safayn ah ku dhexmaray xaafadda Xero Awr ee caasimadda Hargeysa.
Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Afhayeenka booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo la hadlay warbaahinta xalay, waxa ay caddeeyeen inay ka xun yihiin rasaasta booliska ee dhaawacday labada dumarka ah, isla markaana ay baadhis ku hayaan kiiskaas.
“Kiiskaas ka ciidan ahaa waanu baadhaynaa, ciidankana si kama ah ayaa xabbadu uga dhacday, iyagoo ku guda jira sidii ay u kala furdaamin lahayeen dagaalkaasi safaynka ee ee ka dhacay xaafadaasi Xero Awr,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Dhinaca kale, Afhayeenka booliska ayaa isna sheegay in ujeedada ciidanku ahayd inay kala badbaadiyaan dad dagaal dhexmaray, kadibna dhagaxaan lagala hortegay askarta booliska ah.
“Dagaal safayn ah ayaa ka dhacay xaafada Xero Awr, ka dibna boolisku nabadgelyo ahaan ayey ugu gurmadeen, markii ay boolisku is yidhaahdeen kala dhex gala dadka safaynka isku laynayay ayaa waxa lagala hor yimmi dhagxaan oo qaar ka mid ah ciidanka waa la dhaawacay,” ayuu yidhi Afhayeenka booliska Somaliland.
Waxa kaloo uu xaqiijiyey in laba dumar ahku dhaawacmeen rasaas ay ciidanka boolisku rideen markii dhagaxaanta lagala horyimmi, waxaannu yidhi; “Laba dumar ah ayaa xabbad ku dhacday, waanu ka xunnahay dhacdadaasi dhacday, kiiskaasna waa la baadhayaa, gacantaana lugu hayaa.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post