X
    Categories: Warar

Laba Diyaaradood Oo Isku Dhacay Garoonka Magaalada Muqdisho

Araweelo News Network

Muuqaalka laba Diyaaradood oo isku dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho 20 Jan 2018 photo Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Shil diyaaradeed, ayaa  ka dhacay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood mid kasoo degaysay Garoonka, halka diyaarada kale Garoonka taagnayd xiliga uu shilku dhacay.

Sida ay Wararka hordhaca ah sheegayaan diyaarad Midowga Yurub leeyahay oo kusoo degtay garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacday diyaarad kale oo garoonka taagnayd, taas oo rakaab ka qaadeysay.

Dad ku xugnaa xiligaa Garoonka Diyaaradaha Aadn Cadde, ayaa sheegay in Diyaarad ka mid ah kuwa yar yar ee Midowga Yurub u kiraysan oo dooneysay in goob Baarkin  ah gasho ku dhacday diyaarad kuwa gudaha Soomaaliya u safra ah oo goobtaa taagnayd.

 

Shilkan ayaan Khasaare nafeed geysan, balse waxa uu sababay in khasaaro soo gaadho  labada diyaaradood ee isku dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka iyo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post