Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)- Shil diyaaradeed, ayaa ka dhacay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood mid kasoo degaysay Garoonka, halka diyaarada kale Garoonka taagnayd xiliga uu shilku dhacay.
Sida ay Wararka hordhaca ah sheegayaan diyaarad Midowga Yurub leeyahay oo kusoo degtay garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacday diyaarad kale oo garoonka taagnayd, taas oo rakaab ka qaadeysay.
Dad ku xugnaa xiligaa Garoonka Diyaaradaha Aadn Cadde, ayaa sheegay in Diyaarad ka mid ah kuwa yar yar ee Midowga Yurub u kiraysan oo dooneysay in goob Baarkin ah gasho ku dhacday diyaarad kuwa gudaha Soomaaliya u safra ah oo goobtaa taagnayd.
Shilkan ayaan Khasaare nafeed geysan, balse waxa uu sababay in khasaaro soo gaadho labada diyaaradood ee isku dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka iyo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.