X
    Categories: Warar

Laba Dil Oo Toogasho Ah Oo Ka Dhacay Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Taliyaha Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in Laba Di loo Toogasho ah ay Caawa Caweyskii ka dhaceen Magaalada Hargeysa.

Taliye Cabdiraxmaan Fooxle, wuxuu sheegay oo caawa warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xilli ay ku mashquulsanaayeen shilal Baabuur oo ka dhacay goobo kala duwan oo caasimada Hargeysa ah lagu war geliyay Booliska in Askari Booliska ah uu Toogtay qof shicib ah.

Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Fooxle, wuxuu sheegay in Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen Ninkaa Askariga ah oo sida uu sheegay toogashada fuliyay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Nin Wejiga soo duubtay Toogasho ku dilay Nin pharmacy ku haystay magaalada Hargeysa isla caawa. Kadib markii sida uu sheegay uu Baastoolad ula galay sidaana ku toogtay.

Taliyaha ayaa sheegay in Ninka la toogtay uu hore dacwad usoo gudbiyay Booliska, isla markaana ay soo qabteen Ninkii loo aanaynayay toogashadaa, isagoo sheegay in ay geeriyoodeen Labada qof ee la toogtay, balse wuxuu gaabsaday inuu sheego magacyada labada qof ee la toogtay iyo magacyada dadka ay qabteen oo uu xusay inay baadhista kadib shaacin doonaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post