X

Laascaanood: Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Maxaabiis Iyo Gaadiid Lagu Qabtay

Maxaabiista iyo Gaadiidka lagu qabtay Dagaalka Laascaanood ee 1 April 2023, Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal Sabtidii maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka maanta ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo gaadiid Tugniko iyo Maxaabiis ciidanka Qaranka Somaliland gacanta ku dhigeen oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.” Sidaa ayaa lagu yidhi, warka qoraalka ah, iyadoo lagu xusay in Dagaalka maanta Ciidanka Qaranku Jamhuuriyadda Somaliland kasoo hooyay guullo waawayn, balse aan lagu muujin qoraalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland mar kasta ilaalinayso xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumaddu, “Ciidanka Qaranka Somaliland wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood.” Ayay wasaaraddu ku tidhi, qoraalkeeda. Sidoo kale, waxa lagu xusay warka qaoraalka ah in Ciidanka Somaliland, oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, balse wuxuu cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dagaalka, ayaa kusoo beegmay maalin kaddib markii dawladda Maraykanku ku boorisayxukuuamadda Somaliland iyo Garaadada dhaqanka in wadahadal lagu dhammeeyo collaada Laasacaanood.

Goor sii horaysay, waxay Somaliland soo bandhigtay Maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo laga qabatay Maleeshiyaadka, wallow aan la sheegin inuu jiro khasaare soo gaadhay dhanka Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post