X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Guulo Ka Sheegatay Dagaal Ciidamada Kenya Ku Dhexmaray Duleedka Af-madaw

Araweelo News Network
Af-madaw(ANN)Dagaallo culus oo muddo ka badan laba saacadood socday ayaa laga soo sheegayaa duleedka degmada Af-madaw.
Dagaalka ayaa sida ay wararka ka imanaya deegaankaa sheegayaan dhexmaray ciidamada xarakada Al-Shabaab kolanyo ciidamo Kenyaan ah oo dhinaca Jubbada Hoose u socday, kuwaas oo kasoo baxay degaanka Qooqaani.

Ma jiro war si dhab ah u xaqiijinaya khasaaraha dagaalka, balse warar laga soo xigtay dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid culus, isla markaana uu jiro khasaare labada dhinac oo aan la ogayn inta uu leegyahay.
Xukuumadda Kenya, ayaan weli ka hadlin dagaalka, balse warar hordhac ah oo laga soo xigtay saraakiisa Al-sabaab, ayaa sheegay in ugu yaraan laba askari Kenyan oo ciidamaa Kenya ah maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaalka halka 12 askari oo katirsan Melleteriga Kenya meydadkooda lagu arkay goobta dagaalka.

Sidoo kale wararka laga soo xigtay saraakiisa Al-shabaab, ayaa sheegaya in 6 kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidanka Kenya lagu gubay dagaalka, wararka ayaa intaasi ku daraya in mid kamida diyaaradaha dagaalka melleteriga Kenya waxyeello kasoo gaadhay, kadib madaafiicda lidka diyaaradaha oo lala helay xilli ay isku dayayeen inay gacan siiyaan ciidamadooda jidgooyada loo galay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post