X

Kuwait Oo Dalkeeda U Fasaxday Fiisayaasha Dalalka Aduunka Marka Laga Reebo Israel

 

Waa Maxay Shuruudaha keliya ee Laga Doonayo kuwa Dalbanaya Fiisayaaha Kuwait?

#Araweelo_News_Network

Kuwait (ANN)-Xukuumadda Dalka Kuwit ayaa u furay fiisooyin dhammaan dhallashooyinka dal ku galka dadka doonaya innay dalkeeda yimaadaan.

Kuwait waxay xaqiijisay innay Albaabka u furay booqdayaasha adduunka oo dhan qof walbana waa lagu soo dhaweynayaa inuu soo booqdo Kuweyt, balse waa   innay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo shuruucda ay dejiyeen wasaaradd, sidaa waxa waxa sheegay Kuwait Times oo soo xigganay Wasaaradda Arimaha dibadda ee Kuwait,

Warbixinta ayaa daaha ka qaaday furfurnaantan cusub ee booqdayaasha, iyadoo soo xigganay Aggaasimaha Waaxda Adeegyada gaarka ah ee Waaxda Arrimaha Degenaanshaha ee Wasaaradda Arrimaha guddaha (MoI), Brigadier Hamad Al-Ruwaih, ayaa yidhi: “Kuwait hadda way u furan tahay qof kasta oo raba inuu soo booqdo, taas oo aan lahayn kiis hore. maanta waxaan u furanahay aduunka oo dhan, qof walbana wuu dalban karaa fiisaha, ha ahaato dalxiis ama mid xidhiidh la leh dadka degan haddii ay jiraan kuwa doonaya innay keenaan qoysaskooda. Tan waxaa loo fududeeyay iyadoo la raacayo shuruuddaha booqashada ama ku biirista xubnaha qoyska, ayuu yidhi.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in sharciga cusub ee degenaanshiyaha uu fududeeyay habka fiisaha ee dalxiiska, ganacsiga, iyo booqashada qoyska, taas oo u sahlaysa dadka soo booqda. Si kastaba ha noqotee, wuxuu cadeeyay in soo dhaweyntan balaadhan oo ah soo dhaweyn  Kuwait aan lagu dabaqi karin muwaadiniinta reer binu Israa’iil waana la sii wadan doonaa in laga mamnuuco soo gelitaanka Kuwait ee Israel.

Dhanka diblomaasiyadda, sarkaalka MoI wuxuu sharaxay in Waaxda Adeegyada Gaarka ah “ay ku takhasustay maaraynta macaamilka iyo macaamilka safaaraddaha ee dalka gudihiisa. Wax kala beddelashadan waxa lagu maamulaa heshiisyada u dhexeeya waddammada, waxaana laga qaadayaa kharashyo kala duwan. sida uu xusay, isagoo intaas ku daray in waaxdiisu sidoo kale mas’uul ka ahayd soo saarista fiisooyinka dowladda.

Al-Ruwaih oo faahfaahiyay xawaaraha bixinta fiisaha ee codsadayaasha xaqa u leh, ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku maarayso wax kala beddelashada qof ahaan ama khadka tooska ah ee dawladda ‘Sahel’ codsiga, marka lagu daro goob u go’an oo lagu helo wax kala iibsiga. Waqtiyada ka shaqaynta waxay u dhexeeyaan ugu yaraan hal daqiiqo illaa ugu badnaan 24 saacadood, sida xaaladdaha qaarkood u baahan hubinta dhanka amniga ah .

Waxa uu iftiimiyay in kuwa xaqa u leh e-fiisaha iyo kuwa doonaya in ay booqdaan Kuwait ay qasab ku tahay in ay ka codsadaan website-ka Kuwait e-Visa Codsiga ayaa markaa dib loo eegayaa si waafaqsan xeerar gaar ah, fiisahana waa la oggolaaday ama la diiday. al-Ruwaih waxa kale oo uu tilmaamay in fiisaha dalxiiska lagu ogolaan karo dekeddaha iyo xuduuddaha ee dadka degan wadamada Khaliijka ee ka shaqeeya xirfado la ansixiyay.

Dalku-galku wuxuu daboolayaa codsadaha iyo qoyskooda. Muwaadiniinta 52-ka dal, fiisooyin ayaa sidoo kale si toos ah loogu heli karaa markay yimaadaan garoonka diyaaraddaha ee hoos yimaada nidaamkan.

Al-Ruwaih wuxuu ku nuuxnuuxsaday in sharciga cusub ee deganaanshaha uu si weyn hoos ugu dhacay fowdada iyo xadgudubyada horey u wadaagay. Arrimahani waxay horseedeen jebinta xeerarka degenaanshaha ee soo booqda iyo dadka degganba, taasoo keentay ganaax lacageed iyo masaafurin.
Waxa uu yidhi, “Tan iyo markii la bilaabay fiisaha dalxiiska, ganacsiga, iyo qoyska, waxaanu xaqiijinay u hogaansanaanta sharciga booqdayaasha iyo kafaala-qaadayaasha labadaba. kuwa ku xad-gudbay waxa ay waajahayaan ganaaxyo iyo tallaabooyin sharci ah, oo ay ku jiraan masaafurinta iyo mamnuucid joogto ah oo ah in ay dib u soo galaan Kuwait.

Sidoo kale, isagoo Ku nuuxnuuxsanaya in qulqulka qurbaha lagu soo rogay ee lagu baxiyo fiisada ee dhowaan la furay waxay u baahdeen innay u baahan yihiin xidhmooyin aad u hoggaansanaanta sharciga, al-Ruwaih ayaa xusay in ganaaxyada ku saabsan xadgudubyada fiisaha ay yihiin kuwo dhaqan galay 5tii January 2025, ee Sannadkan. “Uma lihin inaan soo aruurino ganaaxyo,” ayuu yidhi, “laakiin waxaan doonaynaa booqdayaasha iyo deganayaasha innay ixtiraamaan oo ay u hoggaansamaan sharciga iyagoon ku xadgudbin.”

Guud ahaan Al-Ruwaih wuxuu iftiimiyay in ganaaxyada qaar ay gaadhi karaan ugu badnaan Kd2,000. (kuwait Dinar) lacagta Kuwait, Wuxuu sharraxay, “tusaale ahaan, ka gaabinta in la soo sheego dhalashadda ee loo adeegsado ganaax ku saabsan, ama ganaax ka mid ah ganaaxyada maalinlaha ahaka kaasoo noqonaya maalin kasta  ugu badnaan Kd600. (Lix Boqol oo Dinar oo lacagta Kuwait ah.

 

Sharciga cusub wuxuu hadda dhigayaa in ganaaxa maalinlaha kaas oo ka bilaabmaya, KD2 maalin kasta bisha ugu horraysa, waxayna noqon doontaa KD4 maalinkii labaad ee aan lasoo tebin, oo ay sii kordhayaan haddii muddadii aan la soo gudbin uu ka bato Afar bilood, taas oo markaa u horseeday  uruurinta ganaax daran oo Xadgudubyada Shaqaallaha ee Guddaha, wuxuu xusay in ganaaxyadu aanay is beddelin, oo ay leheyihiin ciqaabta ugu badan ee ilaa KD600.
Wuxuu ku soo gabagabeeyay isagoo xusay in website-ka codsiyada fiisaha ee Kuwait uu ku yahay kan: https://kuwaitvisa.moi.gov.kw/

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post