X
    Categories: Warar

Kuuriyada Woqooyi Oo Ku Hanjabtay Gantaalaha Qaaradaha Iskaga Gudba iyo Jawaabta Maraykanka

Araweelo News Network

North Koreans watched the launch announcement on a big screen in Pyongyang

Washington (ANN)- Dawladda Kuuriyada Woqooyi, ayaa ku hanjabtay inay tijaabinayso gantaalaha iskaga gudba qaaradaha adduunka waqti kasta, lana beegsan karaan meel kasta oo dhulka guudkiisa ah.
Keligii-taliyaha Madaxweynaha ka ah Kuuriyada Woqooyi Mr. Kim Jong Un, ayaa laga soo xigtay maalintii sannadka cusubi curtay inuu ku dooday in waddankiisa oo leh awood hubka Nukliyeerka ah uu u dhawyahay inuu rido gataalaha iskaga tallaaba qaarada ee loo yaqaanno ‘ICBM.’ (intercontinental ballistic missiles).
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Woqooyi oo warkan shaaciyey ayaa yidhi, “Gantaalaha isaga gudba qaaradaha ee ICBM waxa la ridi doonaa xilli kasta iyo meel kasta oo loo adeegsanayo, iyadoo ay ku xidhan tahay xarumaha sare ee Kuuriya Waqooyi.”
Haseyeeshee, madaxda dawladda Maraykanka, ayaa sheegay inay ku filanyihiin difaacadda wax kastoo Kuuriyada Woqooyi rido oo khatar ku ah dhulkeeda ama dalalka xulafada la ah Maraykanka.
Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Ash Carte, ayaa caddeeyey in ay dalkiisa khatar ku yihiin awoodda hubka Nukliyeerka ah iyo madaxdayada gantaalaha balaastiga ee Kuuriyada Waqooyi, balse waxa uu xusay in haddii ay isku dayayaan inay ridaan hubkaasi ay dawladda Maraykanku u diyaargarowday sidii loo toogan lahaa ee dhulka loo soo dhigi lahaa.
“Keliya waanu tooganaynaa oo soo ridaynaa, hadday ay noogu hanjabaan oo ay u soo ridaan xagga dhulkayaga ama dhulka saaxiibadayada iyo xulafadayada,” ayuu yidhi Carter.

Sidoo kale, Madaxweynaha cusub ee aan weli la wareejin xilka Maraykanka Donald Trump, ayaa isna ka dareen-celiyey hadalka ka soo baxay dhigiisa Kuuriyada Waqooyi ee isticmaalka hubka ICBM, “Ma dhacayso,” ayuu Trump ku soo qoray barta uu ku leeyahay shabakada bulshadu ku wada xidhiidho ee Twitterka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post