X
    Categories: Warar

“Kuraasidu Qiimo Ma Leh, Anigu Madaxweyne Ayaan u Cararayey, Kursi Aan Madaxweyne Ahayna Ma Rabo.”. Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr.Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah siyaasiyiintii ku bahoobay Isbahaysiga KULMIYE oo maalintii shalay ku biiray Xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aragtidiisa go.aanka ay ku gaadheen inay ku biiraan Xisbiga WADDANI iyo weli ba mabaadiida guud ee ay labada dhinac ba ku heshiiyeen.

Maxamed Biixi Yoonis, oo manta la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC –da, wuxuu ka dhawaajiyey in hankiisu uu yahay in uu Madaxweyne ka noqdo dalka, balse aanay isaga iyo saaxiibadii u ordeyn kuraas iyo xilal toona.

“Waxa nagu kalifay in aanu soo galno oo aanu ku biirno Xisbiga WADDANI, annaga oo ku heshiinay Mabaadii’ guud oo ah kuwii aanu aaminsanayn oo ay ka mid yihiin sharciga in la illaaliyo, in hantida umadda la dhowro, in dastuurka wax laga bedelo iyo weliba Mabbaadii kale oo fara badan oo ah kuwa aanu aaminsanahay ah in wadanka lagu bedelo ay na gula waafaqeen oo ay nagu la heshiiyeen awgeed baanu maanta u soo galnay WADDANI, waxaana aanu u aragnaa in uu yahay Xisbi aanu meteli karno, Xisbi aanu wax kaga qaban karayno marxaladda uu dalku ku jiro iyo weliba Xisbi badbaadin kara guud ahaan Qaranka Somaliland.”.Ayuu yidhi Maxamed Biixi

“Dawladda ka mid baanu ahayn run ahaantii, halkanna uma fadhino in aanu dawladdii aanu ka mid ka ahayn aanu ku dhaleecayno, waxa se aanu caddeynaynaa uun in waxa annaga iyo WADDANI isku kaayo keenay ay yihiin Mabbaadii’, Kuraasidu qiimo ma leh, anigu Madaxweyne ayaan u cararayey, kursi aan Madaxweyne ahayna ma rabo, waxa se aanu ku heshiinay in mabaadiida aanu dooneyno iyo sida aanu dooneyno aanu u maamulno Xisbiga WADDANI.”. ayuu yidhi Mr, Biixi Yoonis.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post