X
    Categories: Warar

Kumanaan Shcabka Magaalada Marka Oo Sadex Sanaadood Kadib Al-shabaab Kusoo Dhoweeyay Magaalada

Araweelo News Network

Al-shabaab oo calakeeda ka taagay Marka


Marka(ANN)Kumanaan ka tirsan shacabka magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Somalia, ayaa kusoo dhoweeyay Ciidamadda Al-shabaab, kadib sadex sannadood oo ay magaalada gacanta ku hayeen Ciidamadda AMISOM ee taageera dawlada taagta daran ee Somalia, kuwaas oo gebi ahaanba iskaga baxay shalay.


sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Marka Ciidamo ka tirsan Al-shaabaab, ayaa la wareegay gacan ku haynta mahgaalada Marka oo 120km dhinaca Koonfur kaga beegan Muqdisho.

Dad goobjoog ah, ayaa xaqiijiyay u xaiijiyay Araweelo News Network, in magaalada ay Shabaab galeen, iyagoo aan wax dagaal ah la kulmin, isla markaasina ay fadhiisimo ka samaysteen goobaha muhiimka ah ee magaalada Marka oo ah mid istiraatiiji ah.


Sida aya wararka ka imanaya magaalada Marka sheegayaan dadweynaha magaalada ayaa soo dhoweeyay gelitaanka Al-shabaab ee magaalada, waxayna isugu soo baxeen fagaaraha magaalada, iyagoo u muuqday inay xabsi ku jireen.

Saraakiisha Al-shabaab ee wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose ee magaalada Marka, ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha isu soo baxay , waxaana saraakiisha goobtaa ka hadashay ka mid ahaa sheikh Max’med Abuu Cabdalla.

Alshabaab ayaa Augst,2012 , waxay iskeed uga baxday magaalada Marka oo ay muddo dheer gacanta ku haysay, waxaana xiligaa ay sheegeen inay soo laaban doonaan oo aanay sidaa ku tegeyn, balse ay Ciidamada AMISOM yihiin kuwa tegeyaa, taas oo sadex sanadood kadib u muuqata mid rumawday.

Dhinaca kale Ciidamada AMISOM, waxay maalmihii u danbeeyay ka baxeen deegaamo baddan oo muhiim ah, kuwaas oo gacanta Al-shabaab dib u galay, waxaaana dhamaan deegamaada AMISOM ka baxday ahaayeen kuwo ahmiyad weyn u leh dagaalka ay labada dhinac iskaga soo horjeedaan.
Hase yeeshee soo dhowaynta Al-shabaab ee sadex sanadood kadib magalaada Marka oo muuqaladooda lagu soo bandhigay baraha internetka ee boggaga taageera Al-shaabab, ayaa u muuqata mid ka dhalatay dhibaatooyin tacadi dilal iyo kufsi ay ciidamada AMISOM u geysteen dadka reer marka mudadii ay gacanta ku hayeen magaalada Marka oo ay la wareegeen August 2012, markii Al-shabaab iskeed uga baxday halkaa, waxayna August 2015, hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Marka Xaafada Ruusiya ku dileen ugu yaraan 15 qof oo ah dad maato shacab ah, kuwaas 4 qof oo ka mid ah ahaayeen kuwo qoys keliya kasoo jeeda.
sidoo kale ugu yaraan 10 qof, ayaa ku dhintay hawlgal ciidamadda AMISOM July 2015, ka fuliyeen magaalada Marka. Kadib markii tacshiirado lala beegsaday dadkaa oo lagu toogtay garoon ku yaal xaafada Baytu Raas ee magaalada Marka. waxaana ku dhaawacmay hawlgalkaa dad gaadhaya 30, iyadoo tiro intaa ka baddana xabsiga loo taxaabay.
Arrintan ayaa dhacday kadib markii Booyad shidaal u siday AMISOM goor habeenimo ah lagu qarxiyay magaalada, iyadoo aan la ogayn khasaaraha qaraxa Booyada iyo cida ka danbaysay, balse lala xidhiidhiyay in kooxda Al-shabaab ka danbaysay, iyadoo Ciidamadda AMISOM, jawaab aargudasho ah ku xasuuqeen dad shacab ah.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post