X
    Categories: Warar

Kumaan Qof Oo Ku Barakacay Dagaalka Gaalkacayo Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga adduunka ayaa ka dayrisay xaalada magaalada gaalkacayo, iyadoo sheegaysa in 11 qof lagu dilay dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay dagaal muddo Todobaad ah u dhaxeeyay maamul goboleedyada Somalia ee Galmudug iyo Puntland.
Dad lagu qiyaasay ku dhawaad 50,000 oo qof. ayaa hay’addu sheegtay in ay ku barakeceen Dagaalkaa.

Xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa kacsanayd tan iyo markii maamulka Galmudug ay ku eedeeysay Puntland in ay macluumaad khalad ah u gudbisay mareykanka oo markii dambe duqeeyay Ciidamo ka tirsan Galmudug, iyadoo Mareykanku sheegay in uu baadhayo dhacdadaasi.

Labadan dhinac ayaa sidoo kale ku muransan qaybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan labada dhinac.

Dhanka kale, ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa billaabay dadaal lagu joojinayo colaadda Gaalkacyo, waxa uuna socdaal nabadeed uga billowday maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay u dhaxayso colaadda ka taagan Gaalkacyo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post