X
    Categories: Warar

KULMIYE Wuxuu Noqday Filim la Daawaday…Ummaduna Waxa ay Doonaysaa Isbeddel’ Murrashaxa WADDANI

Araweelo News Network

Photo file Murrashaxa Madaxweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in shacbiga reer Somaliland wakhtigan u baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey taageerayaal ku biiray xisbiga WADDANI , waxa uu xisbiga KULMIYE ku sifeeyey inuu la mid yahay filim hore loo daawaday, sidaa darteedna aan mar kale la dib loo daawan karin.

“Rabbitaanka shacbiga Somaliland waa isbeddel, markaa waxa aynu taageeraynaa maanta isbeddelka, waxana aynu isbeddelka u taageeraynaa waxa la tijaabiyey KULMIYE, waxaanna la tijaabiyey ammaanadiisii oo wixii ummaddu u dhiibatay ma wax baa ka nool?… Caddaaladiisiina waa la tijaabiyey oo waxa la ogyahay waxa ugu badan maanta ee ay ummaddu ka cabanaysaa waa caddaalad-darro, waxaanna la tijaabiyey waxa uu ka qabtay ictiraafka oo waxa la ogaaday in ictiraafku gaadhay halkii ugu hoosaysay intii KULMIYE hayey. KULMIYE wuxuu noqday filim la daawaday ee miyeynu mar kale daawanaa? Toddoba sanno amma sideed sanno oo dambe ayuu doonayaa in haddana loogu celiyo, ummaduna waxa ay doonaysaa isbeddel, isbeddelkiina waxa wada xisbiga WADDANI iyo shacbiga,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Shacbiga Somaliland waxa aannu u ballanqaadaynaa in aannu ku shaqayno rabbitaankooda, Insha Allaah oo aannu wax ka qabano duruufaha qalafsan ee ay ku jiraan oo uu ugu horeeyo sicir-bararku, waxaanan awooddii ku soo celin doonaa Bangiga Dhexe si uu u xukumo lacagta Somaliland oo maanta cid xukuntaa aanay jirin, waxaanna ina xukuma oo sarifka gooya ciddii doonta markaas.”

Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale sheegay in haddii xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ay dib u soo celin doonaan hantida dawladda ee sifo aan sharci ahayn cid gaar ah loo siiyey.
“Waxa aannu doonaynaa in shacbigu nagu doortaan oo aannu heshiis kula gelaynaa waa barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga WADDANI oo aannu doonayno inay si fiican u akhriyaan. Dooni mayno in aad reernimo nagu doorataan oo dooni mayno mayno in aad nagu doorataan wax aanan mudnayn, shacbiguna xaq ayuu u leeyahay inuu saddexda xisbiba qiimeeyo, hoggaamiyeyaashooda qiimeeyo, isaguna uu doorto ka (murrashaxa amma xisbiga) uu u arko inuu ka saari karo marxaladan lagu jiro, waxaanan ku kalsoonahay in shacbigu isbeddel doonayo, isbeddelkiina uu xisbiga WADDANI wado,” ayuu yidhi murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post