Araweelo News Network

Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Hargeysa (ANN)Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caddeeyey inay xisbi ahaana aqbalayaan natiijada doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoonto 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa, isagoo sidoo kale ka jawaabay hadal khuseeya doorashooyinka oo ka soo yeedhay xisbiga WADDANI.
Md. Kaahin oo hadal ka jeediyey kulan hoggaanka xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE ku soo dhaweeyey aqoonyahanno ka mid ah kuwa jaamacadaha iyo dhallinyaro ka soo jeeda degaannada bariga Gobolka Sanaag oo la midoobay xisbiga shalay, waxa uu tilmaamay inay jiraan shuruuc iyo xeerar u yaal dalka oo qeexaya qaabka loo gelayo doorashada Madaxtooyada.
“Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku dilaynaa, KULMIYE waxa lagaga helay 84 cod oo uu aqbalay. Waa xisbiga keliya Afrika jooga ee aqbalay in doorashadii Madaxweynaha 84 cod lagaga helay, adduunyadana meel ay ka dhacdaa ma jirto, Guddoomiyaha xisbiga UCID wuu aqbalay natiijadii in doorashadii laga helay, xisbigii UDUB Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh buu u aqbalay in doorashadii 2010-kii laga helay. Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey in aannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo.
Xalay (habeenkii Sabtidu soo galaysay) bay ka hadlayeen oo lahaayeen sharci ha la sameeyo, laakiin sharci weynu leenahay oo xeer-qaran baynu leenahay oo distoorkeenaa qoraya oo Baarlamaanka dalkaa sameeyey qaabka xisbiyadu u gelayaan doorashada, qaabka doorashada loo kala helayana hay’ad qaran oo la yidhaahdo Komishanka Doorashooyinka ayaa inoo samaysan oo Maxkamad Distoori ah oo natiijada doorashada marka ugu dambaysa soo saarta ayaa inoo samaysan, xisbiga KULMIYE-na sida uu markii horeba u caddeeyey wuxuu imminkana caddaynayaa inuu natiijada komishanka iyo Maxkamadda Sare-ba aqbalayo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Waxa kaloo uu dhallinyarada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda bariga Sanaag ugu bushaareeyey inay qaybtooda qaadan doonaan talooyinka iyo jaan-goynta lagu samaynayo arrimaha xisbiga, “Maanta laga bilaabo xisbiga KULMIYE la idiinku talinmaayee waad ka talinaysaan, heerkiisa qaranka iyo heerkiisa gobolladaba waad ka talin doontaa, guddidiinana arrintaas waanu ka wadahadalnay, hablahana waxaannu la xidhiidhinanaynaa garabka haweenka ee heer gobol iyo heer qaran, dhallinyaraduna labadaas heerba qayb bay ka noqon doonaa, waxana aynu ku wada shaqayn doonaa qaab-dhismeedka xisbiga KULMIYE uu leeyahay.”
Isaga oo sharraxayey fursadaha xisbiga KULMIYE siiyey da’yarta dalka iyo sida uu xeerarkii caqabadda ku ahaa ugu furfuray, waxa uu yidhi,“Xeerarka Somaliland waxay ay qorayeen in Baarlamaanka iyo golayaasha degaanka cidda isku sharraxaysaa da’doodu noqoto 40-jir, laakiin xisbiga KULMIYE dabarkaas isagaa jebiyey, waxana uu barnaamijkiisii siyaasiga ahaa ku soo bandhigay in golayaasha degaanka da’da laga dhigo 25 jir. Ragga maanta golayaasha degaanka ku jira dalka oo dhan marka shaqsiyaad yar laga reebo waa da’diinan oo kale, markaa si aad damac siyaasi ah u yeelataan ayaa fursaddaas la idiin siiyey.”
Kulanka loo sameeyey aqoonayahankan iyo dhallinyarada oo lagu qabtay xarunta guud ee KULMIYE ee magaalada Hargeysa shalay, waxa kaloo ka qaybgalay madaxda xisbiga oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Garabka Haweenka marwo Canab Cumar Ileeye, siyaasiga Cali Maxamed Cali (Cali-caliyow) oo ka mid ah Guddiga Fulinta, saraakiil kale, cuqaal, waxgarad, dhallinyaro iyo aqoonyannada xisbiga ku biiray iyo weliba marti-sharaf tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan oo lagu hogo-tusaaleeyey sida KULMIYE mar walba diyaarka ugu yahay inuu kasbado maskaxda iyo maanka da’yarta aqoonta u saaxiibka ah.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahanka iyo da’yarta ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag, waxaannu xusay inuu hubo inay wax badan ku soo biirin doonaan xisbiga.
Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ahna xubin Guddida Fulinta ee KULMIYE Md. Cali Maxamed Cali (Cali-cali-yow), ayaa hoosta ka xarriiqay inuu kalsooni badan ku qabo bahda aqoonyahanka ah ee kasoo jeedda bariga gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inay albaabada xisbigu u furan yihiin, isla markaana fikirkooda iyo aragtidoodaba xisbigu soo dhaweynayo.
Mustafe Axmed Maxamed oo afka aqoonyahanka ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag ku hadlayey, Siciid Yaasiin Maxamed, marwo Ikraan Cawaale Salmaan iyo abwaan Maxamed Iimaan oo madashaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey sababaha ku kellifay inay ku biiraan xisbiga KULMIYE oo ay dhammaantood sheegeen inay ku qanceen barnaamijkiisa iyo waxqabadka uu dalka ka hirgeliyey.
Caaqil Jaamac Warsame Cirroowe (Jafaal) oo ka mid ah cuqaasha caanka ka ah bariga Gobolka Sanaag, ayaa isaguna xusay in aqoonta durugsan iyo xidhiidha xeesha dheer leh ee bulshada gobolkiisa iyo hoggaanka KULMIYE ka dhexeeyaa horseed ka yahay inay aqoonyahankani ku biiraan xisbiga, isla markaana naf iyo maalba u huraan taageeradiisa.
Xoghayaha Gud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna hadallo soo dhaweyn ah uu aqoonyahankaas u jeediyey ku faahfaahiyey miisaanka iyo taariikhda lama illaawaanka ah ee bulshada degaanka bariga Sanaag leeyihiin, waxaannu tibaaxay in midnimada dhallinyaradani muujiyeen marag u tahay inay marba marka ka dambaysa sii ballaadhanayso cududda xisbigoodu ku yeelanayo gobollada kala duwan ee dalka.