X
    Categories: Warar

KULMIYE: Madaxweynaha Oo Kusii Jeeda Madasha Shirka Golaha Dhexe Ee Magaalada Boorama, Ergooyinka Ku Qul-qulaya Iyo Arrimaha La Filayo In Lagu Faaqido

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka anbabaxay saaka barqadii Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, isagoo usii jeeda dhinaca Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo loo qorsheeyay inuu ka qabsoomo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE .

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo xiligana ah Guddoomiyaha Xisbiga, wuxuu ka hor intii aanu saaka ka anbabixin  qasriga Madaxtooyadda ee Magaalada Hargeysa ku booqday guriga uu deganyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland ee uu xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo oo ah aasaasihii Xisbiga KULMIYE, oo dhowaan dalka kusoo laabtay si uu shirka golaha dhexe ee loo qorsheeyay maalinta Axada ee 25 February 2019.uga qaybgalo.

Lama ogga arrimaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, mana jiro war si rasmi ah uga soo  baxay kulankaa oo sheegaya waxyaabaha lagaga hadlay, balse waxa jira tibaaxo sheegaya in ay la xidhiidhay arrimo kusaabsan is xogwaraysi la xidhiidha  shirka golaha dhexe oo Madaxweynuhu usii jeeday socdaalkiisa uu saaka kaga baxay Hargeysa iyo Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo oo ka qaybgalaya shirkaa oo ay wax iska weydiiyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu booqashadaa gaaban kadib u boqoolay dhinaca Magaalada Boorama, balse wuxuu kusii hakaday magaalada Gebilay oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa, halkaas oo ay caawa u hoydeen, isla markaana la filayo inay dhinaca Boorama uga sii gudbaan maalinta Beri.

Dhinaca kale Ergooyin ka kala yimi gobolada dalka, ayaa ku qul-qulaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo ka qaybgelya shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , kaas oo aan weli ajandihiisa la shaacin, isla markaana ay jiraan waxyaabo la hadal hayo oo ay suurta gal tahay in lagu soo qaado ajandaha shirka,kuwaas oo ay ka mid yihiin hoggaaanka Xisbiga iyo xubno kale oo ku jiray golaha dhexe ee Xisbiga  oo qaarkood laga caydhiya iyo sidoo kale sidii loo buuxun lahaa xubnaha bannaanaaday iyo ajandayaal kale oo aanay ka madhnayn mustaqbalka Xisbiga.

Xisbiga KULMIYE, ayaa hore looga bartay inuu abuuro xamaasad marka ay qabsoomayaan shirarkiisa, isla markaana marar baddan oo hore khilaaf siyaasadeed soo maray, walaw uu noqday Xisbi waayao arag ah oo marxalado baddan iyo khilaafyo kasoo dabaashay, iyadoo aanay xilligan muuqan xamaasadihii iyo khilaafyadii hore looga bartay oo shirarka KULMIYE, isla markaana shirkan uu noqonayo kii ugu xasarada iyo xamaasada yaraa taariikhda Xisbiga oo xilligan qaangaadh ah, isla markaana aanu muuqan loolan siyaasadeed oo ka abuura xisbiga gudihiisa khilaaf siyaasadeed.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post