X
    Categories: Warar

“Kulmiye Kii Hore Maaha, Aniguna Waan Ka Tegay Kulmiye, Waddani-Baanan Ku Biirayaa Insha Allaahu” Xildhibaan Nacnac

Aaweelo News Network

Xildhibaan Nacnac

Hargeysa(ANN)– Xildhibaan Axmed Diirye Nacnac oo mudo dheer ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ayaa maanta cadeeyey inuu iskaga baxay xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, kuna biiri doono xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaas oo sheegay in xisbiga Kulmiye aanu ahayn Kulmiyihii hore sidaa darteedna waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka yaacaan New Kulmiye.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah raga aadka ugu dhaw Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxaanu sidoo kale tilmaamay in sababa uu ku jeclaaday madaxweyne Siilaanyo ay ka mid yihiin in Madaxweynuhu aanu xanta aqoon isla markaana aanu dadka xaasidin.

Ugu Horayn Axmed Diirye Nacnac oo arinta ka bixista uu ka baxay xisbiga Kulmiye ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa xisbiga Kulmiye oo waxa nala yidhaahda Kulmiyaha qadiimka ah, markaan arkay saansaantiisa sida uu u socdo, kamaan dal doorsan ee waxaan leeyahay waan ka tagay Kulmiye sababta aan uga tahay waxa weeyi awal xisbigu miskiin kalkaal ayuu ahaa dadka masaakiinta ah waanu caawin jirnay, Madaxweynuhu wuu caawin jiray oo wadooyinka ayuu noo samayn jiray, markaan arkay in halkaa aanay waxba ka soo jeedin, markaa xisbiga Kulmiye waan ka tagay Waddanibaanan ku biirayaa Insha Allaahu Tacaalaa.

Kulmiyuhu Kulmiyihii Hore Maaha, Waxa la yidhaahdaa Kulmiyihii qadiimka ahaa iyo Kulmiyaha cusub, markaa Waxaan leeyahay New Kulmiye ka yaaca, Wixii I garanaayow ishayda waad aragtaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac waxaanu intaasi ku daray “Madaxweynahaa wali wuu inala joogaaye waxyaalaha aan ku jeclaaday waxa weeyi xanta ma yaqaan, Xaaraanta ma yaqaan, qof ma xaasido, wuu naxariis badan yahay, Xalay ayaan Islaan lacag uga soo qaadayey, markaan ku idhi Madaxweyne miskiinadaasaa wuxuu igu yidhi halkaa ka qaad, kana wuu ka xanaaqayaaba (Muuse Biixi).” Ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, waxaanu intaasi ku daray “Wataayoo wadadii way socotaa, illaahay cimrigiisa ha dheereeyee waa wadadii uu Madaxweynuhu noo dhagax dhigay isagaana wadda, iff iyo aakhirana waanu ugu ducaynaynaa, waxaanu leenahay Alle ha ku barakeeyo oo cimriga ha kuu raajiyo ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post