Hargeysa(ANN)- Kulan uu guddoominayayย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa lagu soo qaaday qodobo ka mid ah Dastuurka loo baahanyahay inย dib u habayn lagu sameeyo
Kukanka oo maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyadda waxa ka qaybgalay xubnaha Gollaha Wasiirrada, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday Arrimaha amniga ee gobolka iyo qorshayaasha xukuumadda..
Kulanka oo aannay saxaafaddu goob joog ka ahayn ayaa lagaga xusay Arrimaha lagu soo qaaday qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha.
Qoraalka kasoo baxay kulanka ayaa u dhignaa sidan:-
. ” Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-Gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo waqtigan xaadirka ah mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:
(๐) Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca bulshada dhexdeeda iyo shilalka gaadiidka. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Qaran ahaan ay lagama maarmaan tahay in aynu si weyn uga feeginaano saamaynta ay inagu yeelan karto xasilooni darrada ka jirta marrinka Badda Cas iyo hirdanka ka dhexeeya Quwadaha waaweyn, inkasta oo ay haatan u muuqato in laga gaadhi doono xal waara.
(๐) Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha qaabka ay Wasaaraddu u dar-dar gelinayso sal-ballaadhinta (Tax base) Cashuuraha kala duwan ee Gudaha (Inland Revenue) iyada oo ay Wasaaraddu adeegsanayso nidaamyada Tiknoolojiyadeed. Sidoo kale, Wasiiru-Dawluhu waxa uu sheegay in ay si habsami leh u socdaan dhaqan-gelinta Cashuurta Adeegyada iyo Badeecadaha (GST), iyadoo si gaar ah awooda loo saarayo Shirkadaha Adeega Korontada iyo kuwa Isgadhsiinta. Ugu dambayntii, Wasiiru Dawluhu waxa uu Golaha ku wargeliyey kuna baraarujiyey in Wasaaradaha uu ku qoran yahay Odoroska Dakhliga Qaranku in ay dar-dar-geliyaan soo xeraynta Dakhliga ku qoran.
(๐) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladda Caafimaadka ee dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in uu kulamo la qaatay wefti ka socday Xafiiska Horumarinta ee Dawladda Ingiriiska oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland. Weftiga iyo Wasaaraddu waxa ay ka wada hadleen horusocodka Mashaariicda Caafimaadka ee ay Dawladda Ingiriisku ay ka taageerto JSL, gaar Mashruuca (Better-Lives) oo 40 Xarun Caafimaad ka taageera Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Sidoo kale waxa laga wada hadlay Mashruuc cusub oo la xidhiidha saamaynta uu Isbeddelka Cimiladu uu ku leeyahay Caafimaadka bulshada.
(๐) Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Biyaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada ayaa dhammaantood si faah-faahsan uga hadlay abaaraha, biyo yaraanta, xaalufka baadka /calafka Xoolaha iyo Qaran ahaan in loo baahan yahay gurmad iyo gargaar midaysan si loola tacaalo xaaladaha abaaraha oo laga baqayo in ay sii adkaan doonaan maalinba-maalinta-ka dambaysa. Wasiirradu waxa ay Golaha la wadaageen degaanada ay abaaruhu aadka u saameeyeen oo u badan Gobollada Bariga, tallaabooyinka farsamo ee loo baahan yahay in la qaado si looga jawaabo saamaynta abaaraha. Wasiirradu waxa ay sheegeen in ay baaqyo kala duwan u kala direen Hayโadaha Caalamiga ah, UN-ta iyo Wadammada deeqaha bixiya, balse loo baahan yahay in gurmadka abaaraha la isugu duwo si habaysan.
(๐) Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka ayaa Golaha la wadaagay warbixin kooban oo la xidhiidha Daraasaad kooban oo ay Wasaaraddu ku samaysay Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan Qodobada lagu sheegay “XEER BAA QEEXAYA” ama “XEER BAA NIDAAMINAYA”. Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga warbixiyey in ay lagama maarmaan tahay in Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland lagu sameeyo dib u habayn mug leh si Dastuurka iyo Xeerarka ka farcamaaba ay ula jaan-qaadi karaan baahiyaha Qaranka JSL iyo isbedelka ku yimid nolosha bulshadeena.
(๐) Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa si mug leh uga war bixiyey Mashruuca Qiimaynta Akhris-Qoraalka ee Ardayda Dugsiyada Hoose-Dhexe, taasoo si loo horumariyo loona tayeeyo Manhajkooda dib loo furay. Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha u sheegay in ka Wasaarad ahaan ay ka goโan tahay in tayeynta, dhiiri-gelinta iyo kobcinta akhriska, qoraalka, garaadka, aqoonta carruuurteena dhigata Dugsiyada Hoose-Dhexe ee guud ahaan gobollada dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in ay tallaabadani salka ku hayso himilada isbedelka weyn ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ku tala jirto in ay ku samayso Waxbarashada dalkeena, heer kasta oo ay tahayba.
(๐) Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL ayaa Golaha la wadaagay hababka lagu horumarin karo Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasadeed ee muwadiniinta Somaliland sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka JSL. Haddaba, si loo horumariyo Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasadeed ee Muwaadiniinta Somaliland, taasoo uu Dastuurku jideeyey, Wasiirka Caddaaladdu waxa uu soo jeediyey:
* In dib-u-habayn lagu sameeyo Shuruucda iyo Xeerarka dalka,
* In la sugo lana tayeeyo Madaxbanaanida Garsoorka Dalka,
* In la hagaajiyo Marrin-u-helidda Caddaaladda,
* In la joogteeyo korna loo qaado Waxbarashada Madaniga ah,
* In iskaashi buuxa lala yeesho Bulshada Rayidka ah,
Tallaabooyinkan uu jeediyey Wasiirka Cadaaladdu, waxa loogu talo galay in lagu abuuro hannaan loo dhan yahay, daah-furan, isla markaana si buuxda u dhawraya xuquuqda madaniga iyo siyaasadda ee dhammaan muwaadiniinta Somaliland.
(๐) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo ka tirsan Guddida Wasiirrada ah ee loo xil saaray diyaarinta Waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka Maalmood ee u horreeya muddo-xilleedka Xukuumadda, ayaa Golaha Wasiirradda u soo ban-dhigay Buugga lagu Ururiyay Waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood ee tagay, waxqabadyadaasi oo waafaqsan Barnaamij-Siyaasadeedka Xisbiga Wadani iyo Ballan-qaadyadii Madaxwaynaha waxa,uu ka koobnaa 5-tan Tiir:
1. Difaaca iyo Ilaalinta Qaranimada.
2. โ Dawlad-wanaaga iyo dib-u-habaynta Garsoorka.
3. โ Horumarinta Dhaqaalaha.
4. โ Horumarinta Arrimaha Bulshada
5. โ Xidhiidhka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wasiirka Duulistu waxa uu faah-faahin iyo sharraxaadba ka siiyay Golaha qaabka Bulshada loogu soo bandhigi doono waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood ee ugu horreeya muddo-xilleedka Xukuumadda.
(๐) Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha la wadaagay xog warran guud oo la xidhiidha dedaalladii nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah kuwaasi oo meel wacan maraya, isla markaana uu ku ammaanay Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Weftiga Wasiirrada ah ee uu hoggaaminayo. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha la wadaagay in guud ahaanba Gobollada dalka Tiro-koobka iyo Diwaan galinta Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay meel wacan marayso, hawluhuna ay u socdaan sidii Xukuumaddu u qorshaysay.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.1