X
    Categories: Warar

Kulan Magaalada Dubai Ku Dhexmaray Madaweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynihii Hore Siilaanyo

Araweelo News Network

Dubai(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safar shaqo ku jooga Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo jimce ah guriga uu ka degan yahay magaalada Dubia madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo marwadiisa Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde ku booqdey iyagoo qaatay kulan kooban oo ay kaga wada hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore xaalada guud ee Somaliland iyo halka ay marayaan mashaariicda dhaxal galka ah ee ay wadaagayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraaadka Carabtu.

waxaa kale oo kulankan lagaga wada hadley safarka madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Bixi Cabdi ku jooga imaraadaadka carabta iyo waxyaabihii ka hirgaley qorshihii safarka weftiga, waxa iyana lagu soo qaaday xidhiidhka labada dal iyo mashaariicdaha horumarineed ee ka socda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post