Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay inay xayirtay lacagta shillinka Somaliland ee ganacsatada u taal Baanka Dhexe ee dalka, isla markaana lagu dedaalayo sidii lacagta doollarka ah loogu sii dayn lahaa suuqyada ganacsiga.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cali Maxamed Axmed (Cali-dhegoole) oo saxaafadda la hadlay markii uu dhammaaday kulan ay xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Guddida Xukuumaddu u xilsaartay qiimo-u-yeelista shillinka Somaliland iyo ganacsatada kala duwan ee dalku xalay, waxa uu sheegay in laga wada shaqaynayo sidii sare loogu qaadi lahaa qiimaha shillinka Somaliland.
“Waxa jirta ganacsatadu badan oo aannu xayirnay lacagtooda shillinka Somaliland ah ee u yaalay Baanka Dhexe oo aannu joojinay, annaga oo ka duulayna qorshahan (sare loogu qaadayo qiimaha lacagta Somaliland), ganacsataduna si lexejeclo leh ayey noogu raaceen arrintaas oo ay nagala shaqeeyeen, si qurux badan oo wanaagsana waannu u wada shaqaynayey muddada aannu hawshaas ku jirnay, maantana kulankayagu waxa uu daaranaa sidii aannu u yeelan lahayn qorshe hawleed wanaagsan oo ah sidii loo wada isticmaali lahaa shillinka Somaliland oo bulshadu ay noqon lahayd mid shillinkeeda aaminta, haddii ay tahay dawladda, ganacsatada iyo shicibkaba,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka maaliyaddu.
Waxa kaloo uu sheegay in xukuumaddu yaraysay isticmaalka kharashka badan ee ku baxa shillinka Somaliland, laguna soo koobay waxyaabaha mushaharka ah iyo kharashka muhiimka u ah shaqo maalmeedka xafiisyada dawladda, isagoo sidoo kale qiray inuu jiro suuq madaw oo lacagaha lagu sarifo qiimo ka badan xaddiga dawladdu u goysay oo ah in halka doollar lagu sarifo lacag dhan 7000 SLSH ah.
“Wuu jiraa suuqa madaw, laakiin, waxa la kala siisanayey caawa (xalay) 7500 halka doollar qofka doonaya, waxanina waa qorshe, mana hawlyara qorshaha lagula dagaalamayo oo waxa laga soo kaxeeyey 9000 SLSH ah oo halka doollar marayey, imminkana waxa ay maraysaa 7500 SLSH, muddaduna waa mid yar oo kooban marka loo eego waqtiga aannu hawshan wadnay, in aannu dedaal badan galnay ayaa muuqata oo ay nala shaqeeyaan ganacsatada reer Somaliland ay si wadajir ah arrintan uga shaqeeyeen. Insha Allaah inta yar ee faraqa ah ee dhiman ee imminka u dhexeeya suuqa suuqa madaw waa laga bixi doonaa,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Waxaannu intaas ku daray; “Ganacsatadu waxa ay imminka suuqa geliyeen boqolaal milyan oo doollar oo ay alaabooyin ku cashuuranayeen, ragga qaar ayaana sariftay $300,000 doollar (saddex boqol oo kun), markaa sidaas ayuu hoos ugu soconayaa oo lagaga baxayaa suuqa madaw ee la sheegayo, waxaana la doonayaa in aynaan buunbuunin warka beenta ah.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Maxamed Shugri oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xukuumadda kala shaqaynayaan sidii sare loogu qaadi lahaa qiimaha shillinka Somaliland.
“Haddii aannu nahay ganacsatada reer Somaliland, waxa inaga dhexeeya hantiyadaas yar ee dukaamada iyo bakhaarada taal oo ninka ganacsadaha ah ee hayaana wuu masaariifaystaa, xukuumadduna cashuur ayey ka qaadataa oo dadka inta kalena cashuurtaas ayey ku nool yihiin oo khayraad kale oo shidaal iyo waxyaabo kale ka mid yihiin ma lihin, cid walbana annaga ayaa uga nugul in deganaanshaheena iyo dawladnimadeena inay ciir-ciirto oo dhibaato ku timaad, sidaa awgeed cid walba waannu uga lexejeclo badanahay qaranimada Somaliland cid walba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay ku dedaalayaan sidii shillinka Somaliland looga hayn lahaa suuqa, si xoogna ah loo adeegsan lahaa lacagaha adag ee kale si sare loogu qaadi qiimaha shillinka Somaliland, meeshana looga saaro lacagta doollarka ah ee la urursanayo.