X
    Categories: Warar

Kulan Lagu Falanqeeyey Doorka Qurbo-joogga Bariga Qaaradda Afrika

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Shir ay isugu yimaaddeen xubno ka socday masuuliyiinta jaaliyadaha dalalka bariga qaaradda Afrika ee oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyey sidii qurbo-jooggu door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarka dalalkooda.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Qurbo-joogga Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Jamhuuriya, kulankaas oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Siyaasadda Qurbo-jooga Afrika (African Diaspora Policy Centre), waxa uu muddo laba maalmood ah (6 ilaa 7 June) ka socday magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socday hay’adaha jaaliyadaha ee dalalka Somaliland, Itoobiya, Kenya, Suudaan, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Uganda.
“Kulanka wada-tashiga ahaa waxa ujeeddadiisu ahayd sidii madal furan la isugu keeni lahaa masuuliyiinta sare ee ka arrimiya siyaasadda iyo madaxda hay’adaha qurba-joogga ee dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD, si loo abuuro, loona wadaago, la iskuna waydaarsado fikrado la xidhiidha habka ugu fiican ee qurbo-joogu uga qaybqaadan karaan horumarinta dalalkooda iyo sidoo kale ururrada jaaliyadaha ee la sameeyeyba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland.
Shirka waxa si rasmi ah u furtay madaxa mashaariicda ee waaxda horumarinta caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Urur-goboleedka IGAD Ms. Fathia Alwan, halka ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Xarunta Siyaasadda Jaaliyadaha Afrika Prof. Maxamed Saliim iyo masuuliyiin kale, iyadoo lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay in jaaliyaduhu door ka qaataan ka hortaga tahriibka iyo dejinta siyaasado lagu xakeemo safarka tahriibka dhallinyarada Afrika ugu qaxaan dalalka Yurub.
Waxa kaloo kulanka lagaga dooday, layskuna qaatay in laga hawlgo sidii looga qaybqaadan lahaa horumarinta dalalka bariga Afrika ee xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD si looga hortago falalka tahriibka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post