X
    Categories: Warar

Kulan Lagaga Hadlay Aqoonsiga Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa isla markaana lagu qabtay dhismaha xaruntaa xalay, ayaa lagu falanqaynayay siyaasadda arrimaha dibadda iyo aqoonsi raadinta Somaliland oo uu martina ku ahaa Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha Somaliland ka haysata helista aqoonsi caalami ah.
Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa madasha ka akhriyey waxyaabaha sababta u ah inaynaan aqoonsi caalami ah dunida ka helin iyo siyaabaha lagu heli karo.
“Aqoonsigu waa hab farsamo oo dawladuhu isku aqoonsadaan ,taasi oo ka dhigan dawladaasi waanu aqoonsanahay inay jirto,laakin haddii aan lagu aqoonsanayn waxay ka dhigan tahay ma jirtidi”ayuu yidhi Maxamed Haaruun Biixi.
Maxamed Haaruun Biixi waxa uu sheegay in adduunku inoo arko dal Somaliya la midoobay sannadkii 1960-kii isla markaana wali katirsan,wuxuuna tilmaamay inay taasi keenayso caqabad ah in la helo aqoonsi caalami ah ilaa lala hadlo dalkii hore wax inooga dhexeeyeen .
Kulankan uu martida ku ahaa Aqoon yahan Maxamed Haaruun waxa uu sharaxay aqoonsi la’aantu saamaynta ay ku yeelato dal iyo dadba
“Aqoonsi la’aantu waxay keenaysaa inaanad samayn karin xidhiidh ganacsi,mid dhaqaale iyo mid diblamaasiyadeed toona oo aad noqoto dal xidhxidhan”Maxamed Haaruun Biixi
Waxa uu ka hadlay isbedelkii dhacay 2012-kii ee ahaa in Somaliland iyo Somalia miiska wada hadalka isugu yimaadaan isla markaana ka doodaan arrimaha ka dhexeeya.
“2012-kii isbedel wayn ayaa dhacay ,waxa uu ka yimid isbedelkaasi in gar loo dhigto, dalkii ay wax inaga dhaxayn jireen ee Soomaaliya oo aynu si toosa u wada hadalno”ayuu yidhi Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi.
Fallanqayn dheer oo aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ku sameeyay siyaasadda arrimaha dibada iyo citiraaf raadinta waxa uu xukuumadda iyo bulshada Somaliland u soo jeediyay in gacmaha la is qabsado isla markaana meel kasta loo tago sidii dalkani u heli lahaa aqoonsi caalami ah.

Kulankan waxay dadwaynuhu su’aalo ka waydiiyeen Maxamed Haaruun mawduucan uu falanqeeyay isagoo dhammaan Su’aalahaasi ka jawaabay.
Xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo u taagan soo bandhigida mawduucyada faa’idada u leh bulshada Somaliland ayaa markasta ku dadaasha in laga doodo waxyaabaha mihiimadda u ah dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post