X
    Categories: Warar

Kulan Lagaga Hadlay Amniga Soomaaliya Oo Ka Dhacay Muqdisho

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Hay’addaha amniga ee dalka.

kulankaa kaddib qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga Gobolka Banaadir ayaa la wadaagay qorshayaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammaystirka dib-u-habaynta ciidamadda iyo dagaalanka argagixisada.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’addaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisal Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududaynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda.

“Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsanayd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.”

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku addan amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post