X
    Categories: Warar

Kulan Jilbaha Lays-dhigay Oo Taageero Loogu Muujiyay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)kulan baldhaan oo casuumadeed, ayaa lagu qabtay shalay Huteelka Green Plaze ee galbeedka Hargeysa, kaas oo ay kasoo qaybgaleen Ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Kaga Jira Deegaamadda Woqyooyiga iyo galbeedka iyo Hargeysa iyo sidoo kale gobolka Saaxil ee Berbera,

Kulankaa oo ahaa mid jilbaha laysdhigay,waxay ujeedadiisu ahayd sidii taageero balaadhan iyo cudud loogu muujin lahaa murrashaxnimada Madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi kadib dhamaadka mudada xileedka Madaxweyne Siilaanyo.

Hoolka uu ka dhacay kulanku, waxa loo ogolaaday warbaahinta inay sawiro ka qataan oo keliya, tiro aan ka yarayn 50 Ergay oo golaha dhexe ee xisbiga kaga jira Xisbiga KULMIYE deegaamadaa, ayaa ka qaybgalay kulankaa oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xubno aqoonyahano kasoo jeeda deegaamadaa.

Waxa kale oo kulankaa ka qaybgalay xubno ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira deegaamada Saaxil, Hargeysa iyio Gebilay, xildhibaanno, Maareeyayaal iyo Agaasimayaal iyo siyaasiyiin kale,

Xubnaha ka qaybgalay kulankaa, ee Masuuliyiinta Xukuumadda waxa ka mid ahaa Wasiirrada Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Beeraha – Dr. Sacad Cali Shire iyo Dr. Maxamed Aw Daahir, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Daakhiliga iyo Warshadaha – Axmed Faarax Cadarre iyo Cali Axmed Maxamed (Dhegoole),

Sidoo Xilldhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay hormood u haayeen; Ibraahim Axmed Haybe, Maxamed Xuseen, Maxamed Baaruud, Axmed Waysa-cadde iyo xubno kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), Guddoomiyaha Komishanka La-dagaallanka AIDS Prof. Cabdi Cali Jaamac, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawanooyinka WFP Mr. Siciid Xasan Ibraahim, Guddoomiyaha Garabka haweenka ee KULMIYE Canab Cumar Ileeye, Agaasimayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, guddoomiyayaasha xisbiga ee saddexda Gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabile.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu casuumay kulankaa oo taageero loogu muujinayay, iyadoo warar laga helay markii uu dhamaaday kulanka oo qado iyo fadhi ahaa madasha cudur-daar lagaga bixiyay, isla markaana magacyadooda laga xaadiriyey ilaa 14 xubnood oo kale oo kulanka uga baaqday sababo hawlo gaar ah, kuwaas oo laga xusay Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo masuuliyiin kale.

Xoggaha laga helay kulankaa, ayaa sheegaya in uu aha mid ay isku xog-waraysteen Ergooyinka masuuliyiinta, xildhibaanada iyo Aqoonyahanka ku kulamay, isla markaana ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay dhisaan murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Madaxweynaha Axmed Siilaanyo kadib, isla markaana xubnaha kulanka ka qaybgalay, waxay isku dardaareen sida ay sheegayaan wararka laga helay kulankaa kadib inay isku dadaareen sidii looga dhabayn lahaa in Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi ugu guulaysan lahaa doorashada murrashaxnimada madaxweynenimo ee tartanka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post