Araweelo News Network
Addis Ababa (ANN)Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay diblomaasiyiinta ugu sarreeya safaaradda dalka Pakistan ku leeyahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo uu wehelinayo Safiirka Wareega ee Somaliland Mr. Raabbi Cabdi Maxamed, ayaa sheegay inay diblomaasiyiinta reer Pakistan oo ay la kulmeen ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo dan ugu jirto labada dal maalintii Jimcaha.
“Waxa aannu maalintii Jimcaha kulan muhiim ah la yeelannay Danjiraha waddanka Pakistan u fadhiya dalkan Itoobiya Ambassador Imran Yawer. Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Pakistan ee ku taal Addis Ababa, waxana igu wehelinayey Safiirka Wareega ee Somaliland Ambassador Raabbi Cabdi Maxamed, halka Safiirka Pakistan uu wahelilanayay Ku-xigeenkiisa iyo Xoghaynta Safaaradda. Kulankan waxaannu kaga wadahadalnay arrimo badan oo dan u ah labada dal iyo labada shacbi. Safiirka Pakistan iyo shaqaalaha safaaraddu waxay noo soo dhaweeyeen si aad u heer sarraysa, iyagoo dhammaantood bannaanka u soo baxay markii aannu soo galaynay oo si diirran noo salaamay, markii aannu baxaynayna si fiican noo sii galbiyay.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal kooban oo Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Somaliland ku baahiyey barta uu mareegta Facebook ku leeyahay shalay, isagoon wax faahfaahin ah ka bixin qodobada ay labada dhinac ka wadahadleen.
Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Somaliland iyo Safiirka Wareega, ayaa ku maqan safar dalka dibadiisa ah oo ay sheegeen inay ku mari doonaan dalal kala duwan oo caalamka ah.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347