X
    Categories: Warar

Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Shir-gudoonka Guurtida

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shir-guddoonka golaha guurtida Somaliland.

Kulankaas oo ahaa xog-warran ay shir gudoonku madaxweynaha ka siiyeen xaaladda guud ee dalka ka jirta, hadday tahay nabadgelyada, dhex-dhexaadinta beelaha oo ay door muhiima ka qaataan goluhu, iyo u diyaar-garowga doorashooyinka wakiillada iyo golayaasha deegaamada ee sannadka 2019-ka dalka la filayo inay ka qabsoonto.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa waxa uu golaha guurtida ku ammaanay dedaallada ay ka sameeyeen arrimaha dhex-dhexaadinta iyo isu soo dhaweynta beelaha ay dirirtu ku dhexmarto deegaanada qaar, iyo dedaalka ay ugu jiraan in shacbiga Somaliland ku dhaqani ay noqdaan kuwo nabadgelyo iyo walaalnimo waarta ku naallooda marwalba.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee golahaas, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee guurtida Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post