X
    Categories: Warar

Kulan Dhexmarat Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Hay’adaha Midawga Yurub ee GIZ

Araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Hargeysa (ANN)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Jamhuuriyadda Somasliland Md. Xasan Cali Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay weftia ka socday hay’addaha Midawga Yurub iyo GIZ, kuwaasoo ka wadahadleen mashaariicda horumarinta dhinaca waddooyinka.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, kaasoo u qornaa sidan; “Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinayey Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Mr. Xasan Cali Cismaan, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Kaysar iyo xubno kaloo ka socday Hay’adda Waddooyinka Somaliland ee RDA.
Dhinaca weftiga waxa hogaaminaysay Mss. Susanne Martin oo ah Madaxa Arrimaha Bulshada iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha u qaabilsan Midawga Yurub “Head of Infrastructure and Social Sector”, Madaxa Hay’adda GIZ u qaabilsan Somaliland Mr. Hendrik Linneweber iyo xubno kaloo wehelinayey weftiga.
Wasiir Cali Xasan Maxamed Xasan ayaa u gudbiyey Qorshaha Hay’adda Waddooyinka, mashaariicda hadda ay gacanta ku hayaan iyo kuwa fulay, mashaariicda soo galay iyo goobaha wax lagaga qabtay, waddooyinka iyo biriijyada la dayactirey, wuxuuna ku wargeliyey in Dawladdu kordhisay miisaaniyaddii hore loogu bixin jirey waddooyinka sannadihii 2010 Ilaa 2017.

Daneeyayaashan horumarinta waddooyinka ee iskugu jirey hay’addaha kala duwan iyo Midawga Yurub ayaa ugu bushaareeyey wasiirka inay gacan buuxda ka geysan doonaan intii horena ka sii libinlaabi doonaan horumarinta waddooyinka Somaliland, waxayna uga mahadnaqeen sida wacan ee ay mashaariicda ula fuliyeen intii ay wada jirka uga shaqeeyeen,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post